Sign in to follow this  
Cowke

France Buys and Controls Berbera Port

Recommended Posts

Cowke   

Dekada Berbera oo Shirkad Faransiis ah la wareegayso.

 

October 12, 2009

 

Horseed Media

News Desk

 

Dekada Magaalada Berbera ee Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa waxaa la sheegaaya in ay la wareegayso isla markaana ay maamuli doonto howlaha ka soconaaya dekada Shirkad Faransiis ah.

 

Shirkada la wareegayso oo fadhigeedu yahay Wadanka Faransiiska ayaa waxaa lagu magacaaba Bollore Africa Logistics (SDV international),waxaana beriyahan dambe masuuliyinta shirkadaas ay wada hadalo iyo kulamo isdaba joog ah wada yeelanaayeen masuuliyinta maamulka la magac baxay Somaliland.

 

Maareyaha dekada Magaalada Berbera Ingineer Cali Cumar Maxamed oo la hadlaayay Idaacad ku taala Wadanka Faransiiska ayaa sheegay in Masuuliyinta Shirkada SDV iyo weliba saraakiisha dekada Berbera ay 4-bilood ka hor ay kulan ay yeesheen ay isku afgarteen in ay wada shaqeeyaan,balse waxaa ay codsadeen masuuliyinta Shirkada Faransiiska in maamulka dekada Berbera ay maamulka dekada ku soo wareejiyeen ayna iyagu maamulaan.

 

 

”Waxaan diyaar u nahay isla markaana aan soo dhowaynayna cid waliba oo maalgashanaysa dekadeena,waxaana aad ugu riyaaqnay oo aan danaynayna shirkadaan in ay la wareegto maamulka dekada”,ayuu yiri Maareeyaha.

 

Wuxuuna tibaaxay in ay Shirkadaan dhowaan ay iyadu iyo maamulka Somaliland ay kala saxiixan doonaan heshiis oo ay Shirkadu kula wareegayso maamulka dekada,iyadoo u sheegay in dhowaan ay Masuuliyinta sar sare ee Shirkadaas ay soo gaari doonaan magaalada Hargeysa ayna la kulmi doonaan Madaxweynaha Maamulka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin.

 

Daba yaaqadi Bishi May ee aynu soo dhaafnay magaalada Berbera ayaa waxaa diyaarad khaas ku soo gaaray masuuliyinta Shirkada si ay wada hadalo la qaatan Madaxweynaha iyo Masuuliyinta kale ee Somaliland kuwa oo xilligaas ku sugnaa Magaalada Berbera,waxaana ay sii wadajir u booqdeen qaybaha kala duwan ee dekada.

 

Ugu dambaynti Maareyaha dekada Berbera Injineer Cali Cumar waxaa u sheegay in hore dekada ay wada maamuli jireen Somaliland iyo Dowlada Wadanka Itoobiya balse tiro dhowr jeer oo hore waxaa jiray Shirkado damacsanaa in ay la wareegaan maamulka dekada hase ahaate ay is afgaran waayeen.

 

Shirkada Bollore Logistic Network (SDV international) ayaa ah Shirkada ugu baaxada weyn ee ka howlgala qaarada Afrika ee maalgashada dekadaha wadamada kala duwan ee Qaaradaan,waxaana ay inka badan 200-xarumo iyo wakiilo ku kala leedahay dhaafaha qaarada.Dekada Berbera ayaa ah dekad ay ka waxyaabo kala gedisan ka dhoofsadaan kana kala soo degaan ganacsatada Soomaaliyeed.

 

Source: Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Lol Poker. France owns berbera port, not somalis anymore. That is not something to be proud off. All profits will be directed to the french not somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this