Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Beesha Hawiye oo si adag uga hortimid beegsi uu bilaabay Lafta-gareen

Recommended Posts

Deeq A.   
Lafta-gareen.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Mogadishu Clan ayaa si adag uga hortimid beegsi ay sheegtay in maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku hayo beesha Gaaljecel.

Afhayeenka Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo warbaahinta u akhriyay war-saxaafadeed kasoo baxay shir ay maanta beesha ku yeelatay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga horyimid beegsiga maamulka Lafta-gareen ee beesha Gaaljecel.

Shirkaan oo ay ka qeyb-galeen duubabka waaweyn ee Mogadishu Clan, waxaana loogu baaqay maamulka Lafta-gareen inuu joojiyo ciidamada uu ku daabulayo deegaanka Yaaqbari weyne ee lagu beegsanayo beesha Gaaljecel.

“Odayaasha beesha Mogadishu Clan waxaa u cuntami weysay in awooddii maamulkaas oo dhan loo adeegsado beesha Gaaljecel,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan.

Sidoo kale waxay odayaasha dhaqanka Mogadishu Clan ugu baaqeen madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya inay soo fara-geliso arrintaan.

Odayaasha dhaqanka Mogadishu Clan ayaa waxa kale ay aqbaleen inuu sii socdo shirka looga tashanayo Shabeellaha Hoose iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo gogol nabadeed u fidiyay beelaha dega Shabeellaha Hoose oo dhan.

“Waxay odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan cadeynayaan in aysan cabasho ka aheyn qabiil ee ay cabasho ka yihiin maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ugu baaqayaan maamulka Koonfur Galbeed inuu joojiyo beegsiga beesha gogosha maanta dhigtay ee Gaaljecel Saran-soor.”

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Daawo: Beesha Mogadishu Clan oo si adag uga hortimid beegsi uu bilaabay Lafta-gareen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this