Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Direct flights between Puntland Ethiopia start..

Recommended Posts

Garoowe:Diyaarad ka dhexshaqaynaysa Puntland & Ethiopia oo maanta si toos ah u shaqo bilowday.

31. august 2010

 

APL

 

Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa maanta Duulimaadkii ugu horaysay Garoowe kusoo gaartay Diyaarada Punt-Air oo ah Diyaarad ay soo furteen Ganacsato dhanka Diyaaradaha ah Waxaana diyaaradani ay kusoo biirtay Diyaaradaha Puntland ka howlgala Puntland,waxaana ay si gaar ah Diyaaradani uga dhex shaqaynaysaa deegaanada Puntland & Dalka Ethiopia.

 

Xaflad galabta lagu soo dhaweynayo diyaarada islamarkaasna ay diyaaradu si toos ah ugu howlgalayso ayaa galabta lagu qabtay Garoonka cusub ee Diyaaradaha Caalamiga ah caasimada dawlada Puntland ee Garoowe,waxaana ay Diyaaradu ay galabta bilowday Duulimaadkeedii ugu horeeyey iyadoo ahayd Addis-Ababa ilaa Garoowe.

 

Furitaanka duulimaadkan cusub ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin katirsan dawlada Puntland,Dawlada dhexe ee Soomaaliya & Xukuumada dalka Ethiopia,waxaana kamid ahaa Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ,Wasiirka Duulista hawada & Garoomada Mudane Axmed Karaash,Wasiirka Waxbarashada ee dawlada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa),Qunsulka Ethiopia u fadhiya garoowe,Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia Amp.Siciid Yuusuf Gees dheer & Wakiilka Diyaarada Punt-Air ee Puntland Bashiir Cabdullaahi.

 

Wasiirka Duulista Hawada & Garoomada ee dawlada Puntland Ayaa hadal kooban kasoo jeediyey Furitaankii Duulimaadkan cusub,waxaana uu sheegey in tani ay tahay Hor’umar balaaran oo ay gaareen dadka reer Puntland & Deriskooda ay xiriirka leeyihiin ee Ethiopia,Wuxuuna intaas kudaray in loobaahanyahay in lasii siyaadiyo Xiriirka ganacsiga & Deris Wanaaga ee labada dhinac.

 

Qunsulka Ethiopia ufadhiya Caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa isna halkaas ka hadlay,waxaana uu sheegey inuu aad ugu faraxsanyahay Duulimaadkan tooska ah,isagoo intaas kudaray in ay tani tahay guulaha lataaban karo ee ay Qunsuliyadiisu soo hoysay,waxaana uu sheegey in Qunsuliyada Ethiopia ee Puntland ay waxbadan kaqabatay Xiriirka & is dhexgalka labada Bulsho isagoo dadka reer Puntland ku amaanay inay yihiin kuwo Nabada & Hor’umarka u heegan.

 

Diyaaradan sida toos ah maanta garoowe uga howlgashay ayaa islamarkiiba ay shacabka reer Puntland soo dhaweeyeen,waxaana dadkii soo dhaweeyey kamid ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Amp.Siciid Yuusuf Geesdheer oo caawa Garoowe kusugan kadib markii ay diyaaradaasi keenta maanta,waxaana uu sheegey in Safaaradiisu ay ka faa’iidaysan doonto Diyaaradan oo uu sheegey inay tahay Hal bowle loo baahnaa,waxaana ay diyaarada Punt-Air noqonaysaa midi ugu horaysay oo in muda ah sheegtay inay balanqaadayso Adeega Diyaarada ee Puntland & Ethiopia kaas oo ay sanadkasta Boqolaal Ruux u baahdaan.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this