Sign in to follow this  
Deeq A.

Goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo la duqeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Duqeyn.jpg?fit=800%2C485&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay duqeyn culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab laga fuliyay qaybo kamid ah gobolkaasi, taas oo dhalisay khasaare xoogleh.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Cali Hayle oo u dhow xadka ay wadaagaan gobollada Galgaduud ee Shabeelaha Dhexe, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka, waxaana lagu garaacay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan dhanka cirka ah ayaa sheegay in lagu beegsaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas, isla markaana laga war helin dhaq-dhaqaaq iyo abaabul ay ka wadeen deegaanka lagu duqeeyay.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in khasaare culus lagu gaarsiiyay howlgalkan, sidoo kale lagu burburiyay saldhigyo iyo xarumo muhiim ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Cali Hayle.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ee lagu qaaday.

Duqeyntan waxaaka horreysay mid kale oo ka dhacday deegaano hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin Shabaab kale.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo xoreyn ah, isla markaana ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

The post Goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo la duqeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this