Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafka Itoobiya iyo Masar: Waa maxay fursadaha mustaqbalka Masar ka dib marka la dhammeystiro biyo- xidheenka wayn ee Itoobiya?

Recommended Posts

Deeq A.   

419d7e10-69f1-11ef-b43e-6916dcba5cbf.png

Cawad Abu Suleymaan waa nin beeralay ah oo reer Masar ayaa fadhiya goob dhul ah, isagoo dib u eegis ku sameynaya xisaabaadkiisa faa’iidada iyo khasaaraha ka dib dalagyadii sanadkan u soo go’ay oo aan wanaagsanayn.

Arrintan ayaa waxaa sabab u ah go’aan hore oo ay dowladdu ku mamnuucday beerashada bariiska ee gobolka Menoufia, halkaas oo ay beertiisa ku taallay.

Waxaa sababta ugu wayn ee arrintani ay tahay dhibaatooyinka xagga biyaha maaddaama bariisku u baahan yahay biyo badan.

Abuu Suleymaan iyo beeraleydii kale ayaa lagu qasbay in ay u beddelaan dalaggooda oo ay beertaan galley halkii ay ka beeran lahaayeen bariiska oo isaga biyo badan u baahan.

Markii hore, beeraleyda reer Masar ayaa beerista hal acre oo bariis ah ku bixin jiray ilaa 8,000 oo Giniga Masaarida ah oo u dhiganta 165 doollar, isaga oo soo celin jiray faaido ahaan u heli jiray marka ay beerta soo go’do ilaa 15,000 lacagta Masar ah oo u dhiganta 309 doollarka Mareykanka ah.

Si kastaba ha ahaatee, hadda waxa uu ku kharash gareeyaa beerista hal acre oo galley ah ilaa 7,000 Pound oo oo u dhiganta 144 US doolar, taas beddelkeedana waxa uu helayaa wax ka yar 6,000 oo lacagta M ah oo 123 doollar halkii acre, taas oo ay ugu wacan tahay galeyda oo aan aad suuq u lahayn. Intaa waxaa dheer, beeristeeda waxaa la galiyaa dadaal badan oo jireed iyo kharashyo la xiriira bacriminta, sunta cayayaanka, iyo kharashaad kale.

“Ma jirto saameyn”

Khabiir dhanka biyaha ah oo u dhashay dalka Masar, Diaa El-Qousy ayaa tilmaamay in laga yaabo in arrintu ay soo baxdo sanadaha soo socda in biyaha laga iibiyo Masar iyo Suudaan.

Saxafiga u dhashay dalka Itoobiya ee Zahed Zidane oo arrintan ka hadlaya ayaa sheegay in dhinaca Itoobiya aanay weli wax dhibaato ah ugu geysan Masar iyo Suudaan dhismaha biyo-xireenka, maaddaama dhinaca Itoobiya ay ballan-qaadeen sannado badan oo buuxinta biyo-xireenka ah, kaas oo hadda ka badan toddoba sannadood.

Zidane ayaa BBC-da u sheegay in Itoobiya ay tixgelisay walaaca Suudaan, isla markaana ay si joogto ah u cusbooneysiineyso horumarka dhanka buuxinta, keydinta iyo furitaanka albaabada, si loogu diyaariyo biyo xireenka Roseires ee Suudaan, oo qiyaastii 40 km u jira biyo xireenka wayn ee Itoobiya.

Lix waddan oo uu ugu dambeeyay Suudaanta Koofureed ayaa ansixiyay heshiiska Entebbe sanadkan, kaasoo waddada u xaaraya in dhaqan galkiisu uu bilowdo kadib 14 sano oo uu fadhiid ahaa.

Heshiiska Entebbe waxa uu soo rogayaa hannaan sharci oo cusub oo lagu xallinayo khilaafaadka, dib-u-qaybinta biyaha, iyo u oggolaanaya waddamada soo koraya in ay dhistaan ​​mashruucyo biyo ah iyada oo aan oggolaansho laga helin waddamada hoose.

Masar iyo Sudaan midkoodna ma saxiixin heshiiska Entebbe, mana aqoonsana.

Saddexda dal ee Itoobiya, Masar iyo Suudaan, ayaa dhawr wareeg oo wada-xaajood ah oo uu garwadeen ka ahaa Midowga Afrika yeeshay, balse aan wax heshiis ah laga gaadhin.

Toddobadii sano ee la soo dhaafay ee buuxinta biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam, Itoobiya waxa ay awooday in ay ku shubto ilaa 62.5 bilyan cubic mitir oo biyo ah gudaha harada biyo xireenka, waxayna sii waddaa in ay sii buusxiso si ay u gaarto heerka ugu sareeya ee buuxinta oo ah 74 bilyan cubic mitir.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this