Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Eritrea oo ka wada-hadlay Iskaashiga Amniga iyo Arrimaha ka taagan Gobolka Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1725431121677.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa Kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ay kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegtay in kulanka labada Madaxweyne looga xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Eritrea oo ka wada-hadlay Iskaashiga Amniga iyo Arrimaha ka taagan Gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this