Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo sheegay in Xuutiyiinta Yemen weerareen Markab laga leeyahay Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1725339177087.jpg?resize=720%2C40

Xuutiyiinta Yemen ayaan illaa hadda sheegin warka la xiriira in ay weerarreen markab uu Sacuudiga leeyahay , iyadoo waxyar ka hor ciidanka Mareykanka ee ku sugan badda cas ay sheegeen Xuutiyiinta inay shalay weerar la beegsadeen markabka shidaalka qaada ee Sacuudiga oo lagu magaaco Amjad oo uu ka babanayay calanka boqortootadda Sacuudiga , kaasi oo siday ilaa laba milyan oo fuusto oo saliid cayrin ah.

Warsaxaafadeed uu baahiyay taliska dhexe ee Mareykanka , ayaa lagu sheegay markabka Sacuudiga iyo markab kale oo oo sitay calanka Panama ee Blue Lagoon I in ay la kulmeen weerarrada Xuutiyiinta oo loo adeegsaday gantaallo ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse waxay sii wateen safarkooda lamana sheegin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha weerarran ay gaarsiiyeen labada markab.

Afhayeenka Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa shir jaraa’id oo xalay uu qabtay aan marna sheegin inay weerarreen markabka Sacuudiga , sidoo kale wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay inay la xiriirtay milkiilaha markabka shidaalka ee Sacuudiga ee Amjad iyo sidoo kale kooxda maraakiibta qaranka Sucuudiga ee Bahri, kama aysan jawaabin wararka la xiriira in markabka Amjad uu weerar kala kulmay Xuutiyiinta oo taa beddelkeeda sheegtay inay weerarreen markabka Blue Lagoon I oo isagana siday labo milyan oo fuusto oo saliid cayriin ah.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo sheegay in Xuutiyiinta Yemen weerareen Markab laga leeyahay Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this