Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Somaliland oo diiday xasaanad ka xayuubinta xildhibaan Maxamed Abiib

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1725283774814.jpg?resize=720%2C40

Xildhibaannada Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku diiday maamuus ka xayuubinta xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo shalay xabsiga la dhigay.

Fadhiga saaka ee Baarlamaanka Somaliland oo ay soo xaadireen 57 mudane ayay 51 kamid ah diideen xasaanad ka xayuubinta xildhibaan Maxamed Abiib oo ay dacwad ka soo gudbisay xeer Ilaalinta Somaliland.

Saddex mudane oo keliya ayaa gacanta u taagay in xilka laga xayuubiyo xildhibaankaasi halka ay ka aamuseen laba xubnood islamarkaana aanu codayn guddoomiyaha Baarlamaanka oo shir-guddoominayay fadhiga.

Sidoo kale xildhibaannada qaarkood ayaa gacan ka-hadal dhexmaray intii ay socotay doodda ku saabsan xasaanad ka qaadidda xildhibaan Maxamed Abiib oo weli ku xiran xabsiga Mandheere kadib markii shalay laga qabtay Hargeysa.

FB_IMG_1725363439538.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1725363443390.jpg?resize=720%2C99

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Somaliland oo diiday xasaanad ka xayuubinta xildhibaan Maxamed Abiib appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this