Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Extension ???

Recommended Posts

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawlada KMG ah ee Somalia oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa uu xusay in shirka dhawaan ka dhici doona magaalada Nairobi ee ay soo qaban qaabiyeen Ururka IGAD ay kamid noqon doonto ujeedooyinka shirkaasi sidii Dawlada KMG ah ee Somalia xilka loogu kordhin lahaa iyadoo hadda waqtigeedii intii badnaa tagay.

 

Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa uu intaasi ku daray inay jirto dhawr arimood oo looga hadlayo arimaha Somalia loogana hadlayo shirkaasi isagoo xusay xil kordhintan lagu samaynayo Dawlada KMG ah ee Somalia ay tahay iyadoo waqtigii uu kasii dhamaanayo ayna ilaa hadda Dawlada KMG ah ee Somalia aysan waxba qaban iyadoo hadda inta badan koonfurta Somalia ay gacanta ku hayaan kooxaha kasoo horjeeda.

 

Hadalkan kasoo yeedhay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dawlada KMG ah ee Somalia ayaa waxa uu yahay masuulkii ugu horeeyay ee ka tirsan Dawlada oo ka hadlaya ujeedooyinka shirkaasi iyadoo masuuliyiin fara badan oo ka tirsan Dawlada KMG ah ee Somalia ay walaac ka muujiyeen qaabka shirkaasi iyo waxyaalaha looga hadlayo iyadoo ay horay usooo baxeen inuu salka ku hayo sidii Dawlada loo badali lahaa.

 

Dhan kale Gudoomiyaha Baarlamaanak Dawlada KMG ah ee Somalia ayaa waxa uu sheegay inuu maalin cad ka tagayo Gudoomiyenimada Baarlamaanka kadib markii ay soo baxeen ayuu yiri eedaymo ay ka tirsanayaan qaar kamid ah xubnaha Baarlamaanka Dawlada KMG ah ee Somalia.

 

Isku soo wada duuboo Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay inuu xilka wareejinayo oo kali ah marka ay dhacdo doorasho cadaalad ah taas oo ay ku doortaan xubnaha Baarlamaanku Gudoomiye cusub kuna wareejinayo iyadoon ilaa hadda la ogayn u jeedada dhabta ah ee ka danbaysa in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu kasoo yeedho hadalo aan horay looga baran.

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this