Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo maanta Hargeysa lagu xiray

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1725283774814.jpg?resize=720%2C40

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee Somaliland ay xireen xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani iyo xildhibaanno ayaa xaqiijiyay in xildhibaanka laga qabtay garoonka magaalada Hargeysa xilli uu ka oo laabtay dalka Imaaraadka Carabta.

Xildhibaan Abiib ayaa lagu yaqaan hadallo kulkul oo uu kaga soo horjeedo xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Bishii July ee sanadkan ayaa xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland waxa uu Golaha Wakiillada ka dalbaday in ay xil ka xayuubin ku sameeyaan xildhibaan Maxamed Abiib.

Eedaha xilligaasi loo soo jeediyay xildhibaanka waxaa ka mid ah, in mas’uuliyiin ka tirsan Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha Ciidamada Somaliland uu ka hadlay.

Bartamihii Bishii August ayaa kulan ay arrintaasi Baarlamanka Somaliland ka yeelan lahaayeen waxaa uu u baaqday ka dib markii uu buuxsami waayay kooramka si xasaanadda looga qaado xildhibaan Abiib.

Ma cadda in xarigga Xildhibaan Abiib uu daba socdo dacwaddii Xeer Ilaalinta Somaliland iyo in kale.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo maanta Hargeysa lagu xiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this