Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo garoonka Muqdisho ku xannibtay diyaaradda Kenya Airways

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1725269149405.jpg?resize=720%2C48

Hay’adda Duulista Soomaaliya iyo maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka hor istaagay inay garoonka Muqdisho ka duusho diyaaradda Kenya Airways.

Hay’adda ku haysata diyaaradda Kenya Airways sababo la xiriira in ay sharraxaad ka bixiso tacadi ay kula kacday muwaadiniin Soomaali ah oo muddo ka badan 48 saac iyagoon wax xaquuq ah helin lagu hayay garoonka diyaaradaha Nairobi.

Kenya Airways ayaa baajisay duulimaadkeedii saddexdii maalin ee u dambeysay ee Muqdisho imaan lahaa , waxaana duulimaadkaasi uu soo qaadi lahaa muwaadiniin Soomaali ah oo ka yimid dalal kala duwan, inan la dejin hotel, ama dal ku gal loo oggolaan waxaa ka dhalatay saacado badan inay ku sugnaadaan garoonka , taa oo baalmarsan shuruucda duulimaadka.

In ka badan 15 qof oo muwaadiniin Soomaali ah ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay baraha bulshada ku soo gudbiyay xaaladda tacadiga ah ee ay ku wajahayaan garoonka diyaaradaha Nairobi, iyadoo ay hadda Kenya Airways wajahayso inay magdhow siiso muwaadiniinta ay tacadiga kula kacday.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo garoonka Muqdisho ku xannibtay diyaaradda Kenya Airways appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this