Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooshin laga diyaariyay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo taageeray joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1725257821410.jpg?resize=720%2C48

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sida wararku tilmaamayaan waxay diyaariyeen mooshin lagu dalbanayo Xasaanad ka qaadista 25 xildhibaan oo taageeray dowladda Itoobiya.

In ka badan 40 mudane oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sida la sheegay saxiixay Mooshinka lagu dalbanayo Xasaanad ka qaadista 25 xildhibaan oo taageeray joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

Xildhibaannada Mooshinka saxiixay ayaa ayaa doonaya in Xasaanadda laga qaado 25-ka xildhibaan ee taageeray joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya waxaana ay ku tilmaameen kuwa Khiyaano Qaran ku kacay oo cadow Shisheeye taageeray.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Guddoomiye Aadan Madoobe oo ay isku degaan ka soo jeedaan xildhibaannada eedaysan uu baajiyay fadhi uu Maanta yeelan lahaa Baarlamaanka islamarkaana aanu weli qaban Mooshinka Xasaanad ka qaadista.

Xildhibaannada Mooshinka diyaarinayay ayaa dhinaca kale lagu eedaynayaa in ay gadaal ka riixayso Villa Somalia si ay meesha uga saarto Xubnaha ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray joogitaanka Ciidamada Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Mooshin laga diyaariyay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo taageeray joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this