Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbaahinta dunida oo si weyn u hadal-haysa Nibiri basaasnimo looga shakiyay oo meydkiisa laga helay xeebaha Norway

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta dunida, gaar ahaan midda reer galbeedka ayaa si weyn u hadal-haysa Sheekada Nibiri nooca loo yaqaanno beluga ah oo meydkiisa laga helay xeebaha koofureed ee dalka Norway.

Nibirigan oo ay dalalka reer galbeed u bixiyeen HValdimir oo ah magaca sawir qaade reer Norway ah, sidoo kalena dhawaaq ahaan u dhow  magaca  madaxweynaha Ruushka, ayaa looga shakisanyahay inuu ahaa basaas ay adeegsadaan ciidamada badda dalkaasi.

Noolahan oo uu qoorta ugu xirnaa suun lagu shaabadeeyay wax u muuqda kaamirooyinka wax duuba ayaa markii ugu horreysay lagu arkay xeebaha Norway sanadkii 2019, waxaana taniyo xilligaas laysla dhex marayay warar aan la hubin oo sheegaya inuu ahaa basaas ay ciidamada Ruushku adeegsadaan, islamarkaana tababar heer sare ku qaaday xeryo militari oo ciidamada dalkaasi ay Leeyihiin .

Saraakiisha Norway ayaa xilligaas sheegay in laga yaabo in Hvaldimir uu ka soo baxsaday xero ay ku tababarayeen ciidamada badda Ruushku , balse Moscow waligeed kama jawaabin wararka la isla dhexmarayo oo ku saabsan Nibirigan rabbaayadda noqday ee la dhaqanka dadka aadka ugu wanaagsanaa.

Meydka Hvaldimir oo ah nibirigan ay dunida hadal-hayso ayaa waxaa helay kalluumeysato reer Norway, waxaana hadda lagu hayaa deked ku taalla dalkaas, ayadoo baaritaan lagu samaynayo sida ay sheegtay warbaahinta Norway oo xiganaysa Saraakiisha sar sare oo ka tirsan masuuliyiinta dalkaas.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this