Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Farmaajo oo kashifay arrin xasaasi ah, ugana digay DF

Recommended Posts

Deeq A.   
283078737_387428473428298_27516959861514

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan uga digaynaa hirgelinta qorshaha la xiriira in dal shisheeye ay ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed, taas oo ah tallaabo dhaawacaysa qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliyeed.

Gacan ku haynta maamulka hawadu waa arrin taabanaya amniga Qaranka iyo madaxbannaanida dalkeenna, damaca haatan socoda ee Imaaraadka Carabta loogu wareejinayona waxa uu dib u celinayaa dadaallada naf hurka ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.

Soo celinta hawada dalkeenna waxaa lagu bixiyey dadaal ay hureen khubaro Soomaaliyeed, hanti iyo qorsheyaal diblumaasiyeed oo adag.

Waxaa nasiib darro ah in dano shakhsi ah oo aan laga fiirsan awgeed maanta loo burburiyo dhaxalkaas ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed.

Qalabka casriga ah ee yaalla garoommada iyo xarunta maamulka hawada Soomaaliyeed iyo khubarada waddaniga ah ee ku shaqaysa oo sannado koobaan dalkeenna ku gaarsiiyey heerka ugu sarreeya ee Class A ee dhanka hawada waxay caddayn u tahay in aysan jirin baahi loo qabi karo in shirkado iyo dalal shisheeye ay la wareegaan maamulka hawadeenna.

IMG_3190.jpeg?resize=696%2C870&ssl=1

The post DEG DEG: Farmaajo oo kashifay arrin xasaasi ah, ugana digay DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this