General Duke Posted June 20, 2007 Qaybdiid oo Carmo tababar ka furey 20 Jun 20, 2007 - 7:15:01 AM Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta lix boqol oo askari oo boolis ah tababar ugu furay degsiga Carmo kuwaas oo noqonaya dufcadii sadaxaad ee halkaasi tababar loogu furo. Cabdi Qeybdiid oo shalay gaaray magaalada Boosaaso ayaa u sii gudbay deegaanka Carmo halkaasi oo uu tababarkaasi ugu furayey ciidankaas booliska ah kuwaasoo ka qeyb qaadan doona howlaha sugida amaanka ee Puntland iyo Muqdisho. Dufcadan sadaxaad ee hada tababarka loo furay tii ka horeysay ee labaad ayaa waxaa tababarka u soo xeray ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi. Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 20, 2007 Carmo: Tababar loo furay Ciidamada ka tirsan Booliska Soomaaliya,lagana furay Dugsiga tababarada ee Carmo gobalka Bari. 20. juni 2007 Carmo (AllPuntland)- Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen.Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) ayaa wuxuu maanta ufuray ciidamo boolis ah tababar,waxa ayna xafladaasi ka dhacday degmada Carmo. Taliyaha ciidamada Booliska Gen.Cabdi Xasan Cawaale oo ka hadlay goobta ayaa ,wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ay ciidamadan maanta tababarka loo furay ,ay noqdaan kuwii dalka Soomaaliya ku soo celin lahaa nabadgalyadii ay ka jirtay 16 sanno ka hor. Gen.Cabdi Xasan Cawaale wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ay ciidamadan noqdaan ,kuwii ufaa'ideyn lahaa ciidamo kale oo boolis ah ,wuxuuna ka codsaday ciidamada tababar loo furay in ay si wanaagsan uqaataan tababarada la siinayo. Tababarkan ayaa waxaa ka qeybgalaya ciidamo aan tiradooda lasheegin ,waxaase warar ku dhow dhow taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed sheegayaan in ay tirada ciidamadan tahay ku dhawaad 600 oo askari,laga soo kala uruuriyay gobalada dhexe ee Soomaaliya. Ciidamada tababarka lasiinayo,ayaa waxa ay boolis ka noqonayaan gobalada Hiiraan iyo Galguduud ,waxaana lasheegay in ay markii tababarka dhameystaan ay uqaboolayaan deegaanada loogu talagalay. Tababarkan ayaa wuxuu yahay,kii ugu horeeyey oo uu furo taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Gen.Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) ,balse mahan markii ugu horeysay oo tababar ay dugsigaasi ku qaataan ciidamo boolis ah oo ka tirsan booliska dawlada Soomaaliyeed. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 20, 2007 TCB Soomaaliyeed Qeybdiid oo Maantey Tababar Degmada Carmo oga furey 600 Sarkaal Last Updated::2007-06-20 17:17:46 Carmo:-Waxaa Maanta Baarlamaanka DG Punland Cabasho gaarsiiyey Qaar ka mid ah Ganacsatada Reer Puntland. Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa Maanta 600 Sarkaal oga furey Tababar Akademiyada Booliiska ee Degmadada Carmo. Tida Maanta uu u furey Taliyuhu Tababarka oo ahayd mid ka yar intii markii hore la rajeynayey oo gaareysey ilaa iyo 700 oo Askari ayaa waxaa dhamaan Saraakiisha Maanta Tababarka loo furey waxaa laga soo kala Ururiyey Gobolada Koonfureed ee wadanka Soomaaliya. Mas’uuliyiinta Maanta ka soo qeyb gashay Xafladii loogu furayey Ciidamada Tababarka oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiinta Gobolka Bari oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Bari, Muus Geele Yuusuf (Faroole), Gudoomiyaha Degmada Carmo ahna Duqa Degmada Carmo Cawad Xasan Cali. Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geele Yuusuf (Faroole) ayaa waxaa uu sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay in Carmo oo katirsan Gobolka Bari ay marti geliso Sanadkasta ku dhawaad Kun Sarkaal si ay halkaas oga soo kororsadaan Aqoontooda iyo Xirfadooda. Waxaa uu Gudoomiyuhu ku dhiir geliyey Saraakiisha in ay qaadaan mas’uuliyada ay Umada Soomaaliyeed dusha u saartey waxaana uu sheegey in uu jecelyahay in ay markale ay saraakiisha iyo isagu ay is arkaan iyaga oo wax weyn ka faa’iidey Akedimiyada Xiligaas oo ah Xiliga loo xiriayo Tababarka. Cawad Xasan Cali oo ah Gudoomiyaha Degmada Carmo ahna Duqa Degmada Carom ayaa sheegey in marwalba ay Xarunta Akademiyada Carmo ay gacmo furan ku soo dhaweneyneyso Saraakiisl Soomaaliyeed isla markaana ay dadka Soomaaliyeed ay isugu mid yihiin dadka Deegaanka. Gen Maxamed Gaani oo ah Taliyaha Akadeimiyada isla markaana ah Tababaraha ayaa sheegey in Akademiyada ay ka baxaan Marwalba Tababarayaal Tayo Wacan leh isla markaana Kaalin Muhiim ah ka gala horukaca Booliiska Soomaliyeed. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo isna hadal ka so jeediyey Madasha ayaa sheegey in looga baahanyahay Ciidamadan Xilkasnimo isla markaana ay noqdaan kuwa u adeega Qarankooda iyo Shacabkooda. Waxaa uu uga digey Saraakiisha Booliiska in ay ku dhaqaaqaan wax ka dhan ah Sharciga waxaana uu u rajeeyey mudada uu socda Tababarkaan in ay ku ladaan Deganaansho isla markaan ka faa’iideysta Tababarka loo soo bandhigey. Intii uu u socdo tababarkaan tababarayaasha waxaa ay qaadanayaan shuruucda Booliiska Soomaaliyeed, ilaalinta iyo dhawrida Xuquuqda Aaadanaha u gar gaarida dhibanayaasha, iyo la dhaqanka dadka danbiyada gala. Waxaana ay ka kala yimaadeen Guud ahaan Saraakiisha Gobolada wadanka Soomaaliya, mana ahan markii ugu horeysey oo Degmada carmo uu tababar Noocaan oo kale ah uga furmo Sarakiil, waxaase jirtey dhawr jeer oo hore oo Tababarro loogu furey Ciidamo ka kala yimid Gobolada Soomaaliyeed. Mohamed Ali (Dalmar) HorseedNet News Desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 20, 2007 Ilaa 600 oo askari oo tababar uga furmay deegaanka Carmo Boosaaso 20, June.07 ( Sh.M.Network) Taliyaha ciidamada booliska Somalia, Gen. Cabdi Qeybdiid ayaa maanta tababar uga furay deegaanka Carmo ee duleedka magaalada Boosaaso ilaa 600 oo ciidamo boolis ah. Gen, Cabdi Qeybdiid oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah oo maanta ka ambabaxay magaalada Boosaaso ayaa gaaray deegaanka Carmo, halkaasi oo ay tababaro ugu soo fureen in ka badan 600 oo askari oo sida la sheegay ku soo biiri doona ciidamada booliska Somalia. Hadalo uu Taliyaha booliska Somalia, Qeybdiid uu halkaasi ka jeediyay ayaa waxa uu ku booriyay ciidamada tababarka loo furey in ay si wanaagsan u qaataan casharada la siinayo. Tababarkaan ayaa inta uu socdo waxa ay ciidamadaan ku qaadan doonaan casharo la xiriira dhanka amaanka, aqlaaqda iyo hab dhaqanka bulshada. Taliyaha ciidamada booliska ayaa waxa uu sheegay in marka ay dhameystaan ciidamadaan tababarka in ay ka qeyb qaadan doonaan howl-galada ciidamada booliska ay ka wadaan koonfurta Somalia. Gen. Cabdi Qeybdiid iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay ku soo laabtaan magaalada Muqdisho marka ay soo dhamestaan socdaalkooda ku aadan deegaanka Carmo. Click here to find shabelle news in English Quote Share this post Link to post Share on other sites