Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma ka badheedhi karo qoonsigiisa dhabta ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ma ka badheedhi karo qoonsigiisa dhabta ah oo ah RUNTA ay ka sheegeen cidda dagaalka wadda oo Muuse Biixi ah, oo Xukun-isku-dhejin ah. Waxay is ilawsiinayaan in dadkani dad wada dhashay oo is xaal iyo duruufo og yihiin oo ay la socdaan qaradka gurracan ee Muuse Biixi ka leeyahay colaadda Sanaag khaas ahaan Ceerigaabo!

Xukuumaddu iyada ayaa shaashaynaysay baaqyada nabadda oo si duurxula oo gurracan darafka Sool clan baaqeedii ugu durtay, iyaguna jawaabtii ayay usoo dhex raaciyeen.

Wasiir Shiinena wuxuu isku dayayaa in uu ismuujin ka dhex baadho hadalka Garaadada oo si weyn loo soo dhaweeyey nabaddana wax ka taraya lagana sugayey.

Maxsuulku waa in nabad la helo, taasna cidda diidan ee colaadda hurinaysay ee guubaabada agka baarkiisa ah waday ma qarsoona, waana kuwa Muuse ku taageersan in uu sharcidarro kusii fadhiyo kursiga ummaddu u dhiibatay maalmo dhowna ay codkooda kaga xayuubindoonaan si inta hadhay loo daba qabto.

Dr. Ahmed Aliyo Faradheere

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this