Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabakaddii ugu arxanka darneyd magafayaasha Liibiya oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Liibiya ayaa sheegtay Sabtidii in ay burburiyay shabakad arxan-daran oo dadka tahriibisa, taasi oo ka dhisneyd dhinaca Koonfur-galbeed ee dalkaas.

Bayaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Liibiya ayaa lagu caddeeyay in xabsiga la dhigay dhammaan shabakaddaasi oo ka koobneyd 11 xubnood.

Ciidamada ayaa xiray mid ka mid ah hogaamiyayaasha shabakadan magafa-yaasha ah iyo 10 xubnood oo kale oo lagu eedeeyay dil, xarig sharci darro ah, jirdil, iyo kufsi loo geystay muhaajiriin, sida uu xaqiijiyay bayaanka.

Baaritaan ay dowladda Liibiya sheegtay in ay sameysay ayaa muujiyay in kooxahani arxanka daran ay dhibaatooyin isugu jira xarig qasab ah, jirdil iyo kufsi ba’an ay ugu geysteen muhaajiriin gaareysa 1,300 oo qof.

Shabakadda la qabtay ayaa muhaajiriinta ciqaabtaasi u marin jiray si ay uga qaataan lacago baad ah oo ay soo dirayaan eheladoodii oo ku sugan dalalkii ay ka aoo tahriibeen.

PUNTLAND POST

The post Shabakaddii ugu arxanka darneyd magafayaasha Liibiya oo gacanta lagu dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this