Deeq A. Posted August 31 Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dekad buuxda siiso dalka Itoobiya, si loo ilaaliyo madax-bannaanida Soomaaliya, islamarkaana loo dajiyo xiisadda labada dhinaca. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlayay BBC-da ayaa shaaciyay in dalkiisu uu hayo hindise lagu xallin karo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, asagoo sheegay inay Jabuuti ay marin badeed siinayso Itoobiya, islamarkaana la dhisayo waddo cusub oo Itoobiya iyo baddaas isku xirta. Waxa uu intaa ku daray ay dekedda ay Itoobiya siinayaani ay noqon doonto dekedda Tadjoura oo 100KM u jirta xuduudka Itoobiya, taas oo xal u moqan doonta xiisadda culus ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda labada dal ay cirka isku sii shareerayso, islamarkaana ay Itoobiya weli ku adkaysanayso damaceedii guracnaa ee ay ku doonaysay qeyb kamida badda Soomaaliya, waxaana u hiillinteeda Soomaaliya Jabuuti loo arkaa dal halis dhaqaale ay ka soo gaari karto damaca Itoobiya. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites