Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo sheegtay in ay deked siinayso Itoobiya si loo xalliyo Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
152756.jpg?resize=1000%2C558&ssl=1

Dowladda Jabuuti ayaa markii u horraysay soo bandhigtay tallaabo xal u noqon karta khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiskii badda ee Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi.

Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in Itoobiya ay siiso deked ay maamulato 100% si meesha looga saaro khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay MOU-gii badda.

Wasiirka Arrimaha dibada Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf oo wareysi siiyay BBC News ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin Itoobiya in ay siiyaan dekedda Tojora oo 62 Mile u jirta xadka Itoobiya

“Waxaanu diyaar u nahay inaanu Itoobiya siino Dekkad ay iyadu maamulato 100% waana dekkada Tojora oo 62 Mile u jirta xadka Itoobiya si xal loogu helo khilaafka Soomaliya iyo Itoobiya” ayuu yiri wasiir Maxamed Cali Yuusuf.

PUNTLAND POST

The post Jabuuti oo sheegtay in ay deked siinayso Itoobiya si loo xalliyo Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this