Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashadu wakhti ayay leedahay waana ay dhacaysaa Difaaca dalku Wakhti ma laha

Recommended Posts

Deeq A.   

WAAR HOOY IDAA AAN KU DAAYO EH

Doorashadu Wakhti Bay Leedahay. Difaaca Qaranku xili Go,an Malaha. Waa goor walba u joog. Doorashadu hadii Allah yidhaa waynu og nahay oo ka dhici mayso Carro East Sanaag Clan Iyo Sool clan.
Carro Isaaq meel sanduuq yaalo oo doorashadu aanay si nabadgelyo uga dhici doonin ma jirto. Waa ayo cidda is-hortaagi kartaa? Ma Axmed Karaash? Faan waynaa.

Sida aan qabo hadii waaliduulka Sool clan rumoobo iga qora magaalada Ceerigaabo gudaheeda wax dagaal ahi ka dhici maayo. Waxa fooda la isku dari doonaa inta ka dhexaysa Fiqifuliye iyo Ceerigaabo. Masaafo 30Km ugu yaraana u jirta Magaalada. Sidaa daraadeed ma jirto cid ku dhex dagaalami karta gudaha magaalada Ceerigaabo.

Dagaalkani ma noqon doono Ciidan Qaran oo keliya. Waxa ka badan doona ciidamada reeraha Isaaq oo hadda uu abaabulkoodu bilaw yahay. Waxan ka hadlayaa inta Gobolka Sanaag degta oo keliya. Jabka Axmed Karaash kaga dhaca halkaa ayaa Noqon doona mid aan dib loo soo hawysan karin Ceerigaabo eh daaya ha soo duulo eh. Firxadka ugu dambeeya ee maleeshiyada Axmed Karaash ka sokayn maayo Fiqifuliye hadii lagaba hadho, Xuddun. Doorashada loo biqi maayo si nabadgelyo ah ayay hadii Alleh yidhaa Ceerigaabo ilaa Jiidali uga dhici doontaaye ha u biqina.

Sool clan wuxu doonayaa in uu is kala fidiyay fronta qiyaastii 800Km ah (Buuhoodle ilaa Ceerigaabo) ee hadii ay dagaal noqonto ma difaacan karaa hadii dagaalkuba balaadho? Maya eh degaanada Sool clan ee galbeedka oo dhan ayaa noqon saaxadda dagaalka ee lagu hirdami doono.

Markaa kuwa doorasho doorasho uun ay kaga dhegtay waxan u sheegayaa in doorashada iyo difaaca difaaca qarankuba ay yihiin laba waajib qaran oo mid walba ay tahay in sidiisa loo gudto. Waana loo gudan karaa insha Allah.

Ali Guray

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this