Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay heshiis iskaashi dhaqaale oo dhexmaray Soomaaliya iyo Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1724939219486.jpg?resize=720%2C48

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo uu noqonayo Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.

Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale lagu meelmariyey Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, taas oo uu dhawaan goluhu ka soo saaray qaraar lagu dhaqan gelinayo.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay heshiis iskaashi dhaqaale oo dhexmaray Soomaaliya iyo Shiinaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this