Deeq A. Posted August 29, 2024 Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa shalay si adag uga hadashay xaaladda ammaanka ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan walaac ay sheegtay in ay ka qabto xilliga kala guurka ee ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee loo soo gaabsho ATMIS, kuwaas oo lagu bedelayo hawlgal cusub. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Ethiopia ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin, halista ka imaan karta, hannaanka ay haatan wax u socdaan, taasoo ay sheegeen inay khatar amni ku keeni karto gobolka. Ethiopia ayaa si gaar ah uga digtay dhaq-dhaqaaqa Masar ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in arrintaan ay halis ku tahay amnigeeda iyo guud ahaa ka gobolka. Sidoo kale waxa ay ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay uga hortegeyso arrintan, ayada oo ku dooday in Soomaaliya uu uga baxay dhiig iyo dhacaanba. Haddaba Maxay ka dhigan tahay hanjabaadda kasoo baxday Ethiopia? Cabdigafar Wardheere oo ka faallooda arrimaha caalamka, kuna nool gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ayaa wareysi uu siiyay VOA kaga hadlay xaaladaha soo kordhay ee la xiriira arrimaha Soomaaliya iyo Ethiopia, wuxuuna sheegay in hanjabaaddan ay abuuri karto colaad horleh, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in Soomaalidu ay baraarugto. “Waxay noqo kartaa inay Itoobiyaanka yiraahdaan annaga Soomaalida wax badan baan gelinay waa ka duu-duubaneynaa wixii hadda ka dambeeyana cadow u arkaan oo ay ciidamadooda iyo waxooda kala baxaan marka meeshaas waxaa moodaa in loo baahan yahay in Soomaalidu si fiican uga baaraan degto oo ay fiiriso habka ay u kala guranayaan Soomaaliya iyo Itoobiya” ayuu wareysigaan ku yiri aqoonyahan Cabdigafar Wardheere. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ethiopia ay isku dayeyso in Soomaaliya ay kala qub-qubto, iyada oo adeegsaneyso siyaasad, soona mareyso dowlad goboleedyada dalka. “Waxay isku dayeysaa inay Soomaalida cadaadis saarto oo bilowdo inay u kala dab qaado ama dhex gasho gobolladeed iyo dowladihii yaryarka ahaa waxaas oo dhan inay isku deydo oo siyaasaddeeda tashwiish ku furto” ayuu mar kale yiri Falanqeeye Cabdigafar Wardheere. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Masar, wuxuuna shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay heshiis la geli karto dal kasta oo carbeed oo xulafadeeda ah, wuxuuna intaasi ku daray in arrintan ay keentay xadgudubka Ethiopia ee heshiiska badda. “Soomaaliya Masar, Turki, Ciraaq iyo carab kasta heshiis-bey la geli kartaa horta taas la’iskuma hayo” ayuu mar kale yiri aqoonyahanku Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Su’aashu waxaa weeye waxaan oo dhan maxaa keenay? Soomaalidu ciidan xoog badan maleh marka inay xulafadeeda raadsato oo meel kasta marto waxaa keenay markii lagu xadgudbay madax-bannaanideeda”. The post Maxay ka dhigan tahay hanjabaadda kasoo baxday Ethiopia? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites