Deeq A. Posted August 29, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka, waxaana sidoo kale lagu ansixiyay magacaabista mas’uul cusub. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah waxaa guddoomiyey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayada oo inta badan ay goobjoog ahaayeen wasiirada. Golaha ayaa ugu horreyntii ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo noqonaya Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed. Intaas kadib golaha ayaa guda galay dood kale oo ku aadan Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, kaas oo isna shirka lagu meel-mariyay. Sidoo kale waxaa shirka lagu soo bandhigay warbixino kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, taas oo uu dhawaan goluhu ka soo saaray qaraar lagu dhaqan gelinayo. Waxaa kale oo golaha wasiirada ay ka hadleen ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab, ayaga oo bogaadiyay guulaha ay gaareeb ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka. Khamiis weliba ayaa la qabtaa shirka golaha wasiirada Soomaaliya, waxaana looga hadlaa xaaladda dalka ammaanka iyo qorshaha xukuumadda ee markaasi taagan. The post Golaha wasiirada oo ansixiyay magacaabista mas’uul cusub appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites