Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Ahmed Muumin Seed oo baaq nabadeed u diraya beelaha ku shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Goof ee gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Baaq-Nabadeed

Waxa aan aad uga xumahay colaada ka soo cusboonaatay degaanta Goof ee gobolka Sanaag, waxana aan ugu baaqayaa dadka muslimiinta ah, walaalaha ah, ood-wadaagta ah, wiil-iyo-abtigiisna ah in ay dhiiga daadanaya baajiyaan oo ay nabad ku badashaan.

Dagaal sidiisaba wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta, dhibta degaanka ka dhacdayna cashar iyo cibro noogu filan oo sinaba islaamku uma ogala in qof daadiyo dhiiga qof kale oo muslim ah.

Dadkeenu in dhibaato ugu filan faraqay ku haystaan, colaada iyo dagaalkuna waxa ay sii fogaynayaan hiigsiga qarankeena ee ah abuurida dal nabdoon, daris wanaagna lagu wada daaqayo.

Sidaas aawadeed, waxa aan mar labaad ugu baaqayaa dadka walaalaha ah ee ku dhaqan gobolka Sanaag, cuqaasha, duqayda dhaqanka, beel-daajiyayaasha, wax-garadka iyo inta nabada u ehel-ka ahba in ay xasilooni iyo nabadgalyo ku soo dabbaalaan degaanka dadkaas walaalaha ah ee dirirtu dhex martayna gacmaha isku saaraan kana shaqeeyaan sidii nabada iyo nabadgalyada loo adkayn lahaa.

Eeboow dadkayga bogooda burcad isku mari.

Axmed Muumin Seed

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this