Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen oo ogolaaday in maraakiib in gurmad loo fidiyo Markab ku gubanaya Badda Cas

Recommended Posts

Deeq A.   
hq720.jpg?resize=686%2C386&ssl=1

Hawlgalka Iran ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay, in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ogolaatay in doonyo iyo maraakiib gurmad ah ay gaaraan, markab wada saliid ceyriin oo ku gubanaya Badda Cas, kaddib marki ay malleeshiyo ka tirsan Xuutiyiinta weerareen todobaadki hore.

Markabkaasi oo uu ka babanayo calanka Giriiga ayaa wada ilaa hal milyan oo barmiil oo saliid ceyriin ah. Saraakiisha markabka ayaa ka digay in saliidda ku daadaneysa badda ay keeni karto mid ka mid ah khataraha ugu weyn ee dhanka degaanka ah ee soo marta caalamka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska halgalka Iran ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay, in iyada oo la tixgelinayo walaaca dhinacyada bini’aadannimada iyo degaanka ay Ansarullah oo ay ula jeedaan Xuutiyiinta aqbashay bay tiraahdeen, in doonyo iyo maraakiib gudmad ah u tagaan markabka burburaya.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Mohammed Abdulsalam ayaa u sheegay Reuters, in aysan jirin wax xabbad-joojin ah, balse ay kaliya kooxdu ogolaatay jiidista markabka shidaalka ee Sounion, ka dib markii dalal badan oo caalamka ah oo kooxda lasoo xiriiray ay taasi codsadeen.

PUNTLAND POST

The post Xuutiyiinta Yemen oo ogolaaday in maraakiib in gurmad loo fidiyo Markab ku gubanaya Badda Cas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this