Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo si rasmi ah u shaaciyay in uu xeebaha Soomaaliya u soo dirayo Markab sahamin doona Shidaalka iyo gaas-ka

Recommended Posts

Deeq A.   
1.jpeg?resize=768%2C432&ssl=1

Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay Xeebaha Soomaaliya u soo dirayso Markab sahamin doona Shidaalka iyo gaas-ka ku jira badda Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta dowladda Turkiga oo ku dhawaaqay warkani ayaa sheegay in qorshahaasi uu qeyb ka yahay heshiis iskaashi oo dhawaan dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga.

“Waxaan u soo diri doonnaa markabka Oruc Reis dhammaadka Sebtembar, ama horraanta Oktoobar Soomaaliya, wuxuu halkaas ka sameyn doonaa daraasad weyn oo dhinac Shidaalka iyo gaas-ka oo socon karta bilo” ayuu yiri Alparslan Bayraktar. 

“waxaan saxiixnay heshiis dhinaca badda ah oo saddex baloog ah, Turkiga wuxuu yeelan doonaa xuquuq gaar ah oo raadinta iyo soo saarista marka aan ka helno shidaalka meelahaas,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Bishii Maarso ee sannadkan Turkiga ayaa Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka saliidda iyo gaaska dabiiciga ah kaasi oo daba socday heshiiskii dhanka difaaca ee labada waddan.

PUNTLAND POST

The post Turkiga oo si rasmi ah u shaaciyay in uu xeebaha Soomaaliya u soo dirayo Markab sahamin doona Shidaalka iyo gaas-ka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this