Jacaylbaro Posted June 6, 2009 Warar laga helay Ceelbuur,Dhuusamaree b iyo Guriceel ayaa xaqiijiyay inuu dagaalka ku dhaawacmay Xasan Dahir oo gaarigii uu la socday lagu gubay Jiidda Wabxo. 11 ka mida Saraakiisha sare ee la socotay Xasan Dahir Aweys ayaa ku geeriyooday dagaalka Wabxo,waxaana idiin soo gudbin doonaa magacyada saraakiishaas iyo wararkii ugu dambeeyay dagaalka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 6, 2009 Faahfaahin dheeriya oo laga helay dhaawaca Xasan Dahir iyo Dagaalka Xasan Dahir Aweys waxaa lagu daweeynayaa Isbitaalka Ceelbuur ee bisha Cas kuna yaala wadada u baxdo galhareeri ee qorax u dhaca Waxaa la damiyaya guud ahaan Isgaarsiinta Magaaladda Ceelbuur waxayna ila wareedyo muhiima sheegeen inay laba xabadood kaga dhaceen xagasha Dhismaha Villa Jarmalka ee uu ka dhisan yahay Isbitaalka Bisha Cas ee Ceelbuur guud ahaan lama geli karo,waxaana la dhigay Ciidamo xoogan. Ila wareedyo muhiima waxay sheegeen in Xasan Dahir ay dhaawacmeen Ciidamo sahana oo taabacsan Ahlusunna xilli uu ku socday wado qarda jeexa. Dagaalka dhexmaray Ahlusunna iyo Xulufadda Xasan Dahir waxaa ku dhintay Saraakiil ay ka mid yihiin Tima Jilic Diga Xeroow oo ka mida Saraakiisha sare ee kooxda la baxday Shabaab una dhashay Murursade iyo Xuseen Dheere oo u dhashay beesha Ceyr ********** Tima Jilic Diga Xeroow,wuxuu ahaa reer Ceelbuur,u dhashay beesha Murursade gaar ahaan Sabti,Abakar,Asraafi il ,wuxuu ku magacaawnaa Abaanduulaha goboladda dhexe ee Somalia. Hore waxaa guri ceel ugu geeriyooday Tima Jilic Ramaash oo u dhashay beesha Murursade,kana mid ahaa ragga ugu sareeya Shabaab. Inkastoo labada Timo Jilic ay isku yihiin Jufadda Asraafiil Abakar,hadana kii hore ee Meeydkiisa lagu soo bandhigay Waagacusub wuxuu ahaa reer Mogadishu,gaar ahaan Xaafada Buula Wagac loo yaqaan ama Buulo Asraafiil kuna dhaweyd Warshadda Caanaha Mogadishu. Ahlusunna waxaa kaga dhaawacmay 33 dagaalyahan halka Xulufadda Xisbul Islaam iyo Shabaab la xaqiijiyay 124 ka mida dagaalyananadooda Dhaawaca Ahlusunna waxaa la geeyay Guriceel halka kuwa Xasan Dahir lagu daweeynayo Ceelbuur Dagaal rogaal celisa ayey Ahlusunna ku jiidatay gaari dagaal oo nuuciisu yahay Beebe kaas oo hore god uga dhacay ayna uga carareen Wabxo Dagaalyahanadda Ahlusunna ee dib u qabsaday Wabxo waxay hore uga gurteen ka gadaal markii ay iska difaaci waayeen weerarkii afaraad oo ay soo galeen guuto caaboon,uuna watay Xasan Turki. Sedexdii rac ee dagaalka ayey Ahlsunna dhulka dhigeen dhimasho iyo dhaawacii ugu badnaa ee Isbaheysatadda Xasan Dahir Aweys hasse yeeshee racii afaraad ayey Isgaarsiintii ka go-day,waxayna taliyeyaasha iclaamiyeen in xeelad dagaal loogu gurto War Xoolo maadama iska warqabkii jarmay,ayna gabaabsi ka noqdeen waxyaabo badan sida Saadkii oo telefoonkiisa hawada ka baxay. Labada dhinac waxay qaboojiyeen rasaasta,waxaana la hadal hayaa inay sugayaan gurmadyo Muuqaalka guud ee Galgaduud wuxuu u eg yahay in lagu kala baxayo shan saacadood oo saqda dhexe ka bilaabanee kadib sida ay Waagacusub u sheegeen Saraakiil xog ogaala oo ku sii jeeda jiida dagaalka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hassan6734 Posted June 6, 2009 Its official I was the first one to report and break the news that Dhair Aweis was injured earlier on. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted June 6, 2009 Sustaining injury at the battle front would most certainly bolster Awey’s claim to jihadist perpetuity and further solidifying his status within the ranks of the resistance movement. Not what Sheikh Shariif should be looking for!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 6, 2009 It is still Waaga Cusub so we need to confirm from other sources ................. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted June 6, 2009 Odagan Daahir Aweeys inuu Khaatimo Xumadaan sidii Aidiid Snr (AUN) xabad dhafoorka kaga dhagayso waan umalaynaayay... But who can trust who, other websites were reporting, Indha'ade and vice governer of Banaadir in Shaaweeye were wounded in the battles of Mogadishu, so who knows what and which source is credible? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cawaale Posted June 6, 2009 Dhaawaca Sh Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo saacadaha soo socda loo soo duulinayo dalka Jarmalka Sh Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ahaa dagaal galiyihii ugu weynaa dowlada KMG ee Somalia ayaa waxa uu ku dhaawacmay dagaal aad u qaraar oo shalay galab ka dhacay aaga degmada Yaaqshiid gaar ahaan isgoyska fagax waxa uuna dhaawacu ka soo gaaray dhanka wajiga iyo feeraha, Waxana hada dhaawaca Sheekha lagu dabiibayaa Xarunta madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Cusbilaatlka ciidamada Amisom. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada KMG Sh Shariif Sh Axmed oo ku bixiyay Qarash gaaraya Nus Milyan dollarka mareykanka ah sidii dhaawac Sh:Yususf Indhacade Dibada loogu qaadi lahaa maadaama uu ahaa hogaamiye si weyn dowladu ugu diirsaday mudadii gaabneyd ee uu ka tirsanaa isla markaana guulo waaweyn ka soo hooyay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho. Laakin dayniile waaye!! Quote Share this post Link to post Share on other sites