Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo.baaq nabadeed u dirtay beelaha ku diriray Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukumada Somaliland oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Gobolka sanaag

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ugu baaqaysaa dadka Walaalaha ah Degaanada Koonfurta Gobolka Sanaag ee ay shalay shaqaaqadu ka dhacday in ay nabadda ilaaliyaan, kooxa cadawga ku ah nabadda ee Bulshada iska horkeenayana ay meel uga soo wada jeestaa.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ilaalinaysaa nabadgelyada shacabkeeda, wada noolaashaha Bulshada Gobolka Sanaag, waxayna Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland amar ku qabaan in ay tallaabo ka qaadaan kooxa abaabulan, kuwaasoo waxyeelaynaya nabadgelyada guud iyo wada jirka Bulshada Gobolka Sanaag.

Waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqaysaa mar labaad dadka shacabka ah in ay ilaaliyaan nabadgelyada, kuna wada noolaadaan nabadgelyo, cidkasta oo nabadooda waxyeelaynaysana ay ildheer ku eegaan iyagoo isku mid ah.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay Tacsi u diraysaa dadkii ku dhintay shaqaaqadaas in Eebe samir iyo iimaan ka siiyo Qoysaskii ay ka geeryoodeen, intii ku dhaawacantayna Alle SWT Shaafiyo.

Cabdillaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this