Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar : Agreement between TFG Puntland

Recommended Posts

DFKMG ah ee Somalia & Maamulka Puntland oo heshiis ku gaarey Magaalada Jawhar

 

Jowhar- 07.October.2005 DFKMG ah ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland ayaa saaka heshiis rasmi ah ka gaarey arimihii labada dhinac ay isku khilaafeen ee ku aadanaa baarista iyo soo saarista macdanta.

 

Heshiiskan ayaa wax yar uun oo la sheegay in ay raalli ku noqon doonto shirkadda Concort ka beddelaya heshiiskii iyo go'aankii dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya ay la gashay shirkaddaas.

 

Heshiiskan ayaa waxaa lagu gaarey kulan ballaaran oo maanta lagu qabtay magaalada Jawhar.

 

Gabagabadii shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay maanta Ra'isulwasaaraha Soomaaliya, Prof Cali Maxamed Geeddi, waxa uuna sheegay in laga heshiiyay arrimihii ku saabsanaa qodista shidaalka gobolada Puntland ayna isla garteen labada dhinac in laga mideeyo aragtidooda si ay isku waafaqaan axdiga KMG ah iyo dastuurka maamulka goboleedka Puntland.

 

Dhinaca dawladda federaalka Soomaaliyeed waxaa heshiiskan goob joog ka ahaa mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen, wasiirka dastuurka, Deerow, wasiirka dalxiiska, Maxamed Maxamuud Xayd, wasiirka xuquuqul insaanka iyo arrimaha bulshada, Xuseen Ceelaabe Faahiye, iyo wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka Badda, Xasan Abshir Faarax.

 

Dhinaca Puntland, heshiiskan waxaa qalinka ku duugey, wasiirka diinta iyo awqaafta, Barkhad Cali Saalax, Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka, Cabdullaahi Cali Xirsi iyo mas'uuliyiin kale.

 

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi iyo madaxa wafdiga Puntland, Barkhad Cali Saalax, ayaa labaduba sheegay in shirkadda Concort ay hawsheeda ka waddan doonto Puntland, iyadoo wixii kale ah ee heshiisyo ah ee lala gelayo shirkado shisheeye markaasi sharci ahaan si wada jir ah dib loogu eegi doono.

 

Axmed Xasan Mahad

SBC Jawhar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this