Sign in to follow this  
Rokko

Morgan: I am not planning to attack Kismayo. It is all a propaganda.

Recommended Posts

Rokko   

Gen. Morgan: Ma doonayo in aan duullaan ku qaado magaalada Kismaayo

Kismaayo - September.2004

 

Gen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan, oo isagaarsiinta guurguurta ugu warramayey SBC Online ayaa sheegay in aanu doonayn, in uu duulaan ku qaado magaalada Kismaayo, qorshahaasina yahay mid been ah oo la buunbuuniyey.

 

Gen. Morgan waxaa uu sheegay in uu doonayo in uu fariisin ka samaysto Jubbada Dhexe, waxaana uu carrabka ku dhuftay in kooxaha uu hoggaaminayo ay yihiin, dad xoog looga hayto magaaladooda Kismaayo.

 

Jananku waxaa uu sheegay in uu ixtiraamayo dawladda lagu wado in lagu soo dhiso Kenya, sidaa darteedna aanay jirin wax duullaan ah oo uu qaadayo, isna difaaci doono haddii la soo weeraro.

 

Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa sheegay in ay dad aad u fara badan ay ku soo dhoweeyeen gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo gaaraya kumanaan, isaga oo dadka u sheegay in aanu jirin duullaan uu ku qaadayo magaalada Kismaayo, balse uu fariisin uun ka samaysan doono gobolka Jubbada Dhexe.

 

Cismaan Xasan Cali (Fantaastiko)

SBC Galkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this