xiinfaniin Posted February 11, 2010 Dowladda Masar oo sheegtay inay tababarayso ciidamada Booliiska iyo kuwa badda ee Dowladda Soomaaliya Khamiis 11, Feb, 2010 (HOL) Sarkaalad u hadaashay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar oo lagu magacaabo Muna Cumar ayaa saxaafadda ugu sheegtay Qaahira Arbacadii shalay in dalkeeda uu tababar siinayo ciidamo Soomaali ah. Muna Cumar oo ah wakiilka Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Masar ayaa sheegtay in dalkeedu uu ka helay dowladda Soomaaliya codsi ah inay qayb ka qaataan tababarka ciidamada ammaanka iyo kuwa badda. "Ciidamada aan tababarayno waxay gaarayaan 1000-askari oo isugu jira Booliis iyo kuwa badda, si amaanka barriga iyo badda Soomaaliya loo soo celiyo sannado badan oo fowdo ah kaddib" ayay Muna Cumar u sheegtay warbaahinta. Sidoo kale Muna Cumar waxay sheegtay in dalkeeda uu ka walaacsan yahay xaalka Soomaaliya ayna madaxda Soomaaliya iyo Madaxda Masar inta badan ku hadlaan taleefoonka si ay Masar garacan uga geysato nabad kusoo celinta Soomaaliya. "Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu naga dalbaday inaan gacan ka geysanno sidii ciidamada AMISOM tiradooda loo kordhin lahaa loona gaarsiin lahaa 8-kun oo Askari" ayay tiri Muna Cumar. Sarkaaladdu waxay ugu dambeyn sheegtay in dalkeeda ay ka go'an tahay inay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Dowladda la aqoonsan yahay ee Soomaaliya ka jirta, ayna sii wadi doonto gacanta ay u fidinayaan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online Quote Share this post Link to post Share on other sites