Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Harakat Shabaab Al-Mujahideen brokers groundbreaking peace agreement

Recommended Posts

Al-shabab oo Heshiis 2 Beelood dhex dhigay, Sharuudna ku xirey Shir dibu heshiisiin oo Soomaalida loo qabto.

 

Degmada Ayaan-baal oo dhacda Xuduudka Gobolada Hiiraan & Shabeelada Dhexe, maanta waxa heshiis ku kala saxiixday Beelo Walaalo ah oo halkaa dhawaan shir uga furay, horeyna dirir uga dhaxeysay.

Shirkan oo Xarakada Al-shabab gar wadeyn ka aheyd, labadii dhinac ee u dhaxeeyay oo kala ah Beelaha Xawaadle & ****** waxay ku gaareen heshiis ka kooban 10 qodob, ayna ugu muhiimsanaayeen Xabad joojin, wixii khilaaf ah ee jirana Shareecada xalkooda loola noqdo, Muddo bil ahna wixii hanti ah la isu celiyo.

Odayaal labada dhinac u hadleyn, dhankooda waxey sheegeen heshiiskan inay soo dhaweynayaan kana shaqeynayaa hirgelintiisa, bogaadina u jeedinayaan Xarakada Al-shabab oo gacan ka geysatey.

Afhayeenka Xarakada Shababul Mujaahidiin, Sh Cali Maxamuud Raage oo xafldii soo xirida shirka heshiiskana labada beelood ku gaareen ka hadley ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan kana qeyb qaadanayaan fulinta heshiiska labada dhinac isla gaareen.

Dhinaca kale, Sh Cali Maxamuud Raage oo Khadka Talephon-ka Saxaafada Shir jaraa’id ugu qabtey isaga oo ku sugan Degmada Aadan-yabaal waxa uu sheegay inay shuruudo ku xirayaan shir dibu heshiisiineed oo Soomaalida loo qabto.

Heshiis & Nabad ka hirgasha geyiga Soomaaliya ayuu sheegay Sh Cali Raage, Shareecada Islaamka oo la dhaqan geliyo inay ugu filan tahey, howshaasna ku guda jiraan.

Waxa kale oo uu intaa ku darey, inaaney dan ka laheyn shirarka dibu heshiisiineed ee dibadaha laga abaabulayo, horeyna u qaadaceen.

Hadalka Afhayeenka Al-shabab, waxa uu ku soo beegmayaa xilli dhawaan Dowlada Liibiya shaacisay Shir dibu heshiisiineed oo u qabaneyso dhinacayada Soomaaliyeed ee iska soo horjeeda, balse ayna wakhti go’an u qaban.

Dhinaca kale waxa uu isla mowqfikoodii hore ka istaagey hadal jawaab celin ah oo ka soo yeeray Madaxda Dowlada Burundi & Uganda oo ku aadanaa weeraro ka dhana Xarumaha Dalalkooda.

 

somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this