Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay Natiijada ardeyda fasalka Afraad ee dugsiga Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Natiijada imtixaanka dugsiga sare ee fasalka afraad (2023/2024) ee Soomaaliya waxaa shaacisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha, iyo Tacliinta Sare. Munaasabadda lagu dhawaaqay natiijada waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin heer sare ah.

Sanadkan Imtixaanka fasalka 12aad waxaa si rasmi ah ugu fadhiistay 36,035 oo arday, Waxaa la baabi’iyay natiijada 2,905 arday oo lagu qabtay qish intii uu socoday Imtixaanka. sidoo kale imtixaanka waxaa ku dhacay 2,366.

kaalinta 1’aad waxaa galay 𝐙𝐚𝐤𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧, oo ka socday 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫, Dugsiga 𝐀𝐥-𝐦𝐚𝐫𝐰𝐚𝐳𝐢 𝐃𝐞𝐲𝐧𝐢𝐢𝐥𝐞, waxa uuna helay darjo ahaa 𝟖𝟗%.

Natiijadan waxay muujineysaa horumarka iyo dedaallada ay Soomaaliya ugu jirto tayaynta waxbarashada, iyada oo imtixaanada noocan oo kale ah ay ka tarjumayaan kobaca nidaamka waxbarashada ee dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this