Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu yaraan 73 qof oo lagu diley saldhig booliska oo ku yaalla dalka Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 73 qof ayaa lagu dilay gobolka Balochistan ee dalka Pakistan, kadib markii kooxo gooni u goosad ahi ay weerareen saldhigyada boolis , khadad tareen iyo waddooyinka waaweyn oo halkaas ku yaallay, waxaana ciidamada ammaanku ay bilaabeen howlgallo aargoosi ah, sida ay saraakiishu sheegeen deegaanku.

Weeraradan ayaa ah kuwii ugu balaarnaa muddo sanado ah oo ay gaysteen kooxaha xagjirka ah oo wada kacdoon ay ku doonayaan ​​in ay uga go’aan gobolka wax soo saarka qaniga ku ah ee Koonfur-galbeed ee dalkaasi Pakistan ku yaalla ee Balochistan, halkaas oo ay ka socdaan mashaariic waaweyn oo Shiinuhu hormuud ka yahay sida deked iyo macdan dahab iyo naxaas ah.

“Weeraradani waa qorshe si weyn looga fakaray oo lagu abuurayo fowdo gudaha Pakistan,” ayuu wasiirka arrimaha gudaha Mohsin Naqvi dalkaas oo arrin si kulul uga hadlay, Milateriga Pakistan ayaa ayaguna sheegay in askar badan iyo iyo maleeshaad lagu dilay dagaal dhacay ka dib weeraradii ugu weynaa ee dadka lagu laayay.

Mid kamida masuuliyiinta sar sare ee gobolka Balochistan ayaa sheegay in 38 qof oo rayid ah la dilay, Saraakiisha deegaankuna waxay ay xaqiijiyeen in 23 ka mid ah lagu dilay weerar ka dhacay wadado gaadiidku maraan dad badan lagu diley, weeraradan ayaa ku soo badanaya gudaha Pakistan, ayadoo maalmo ka hor la diley ku dhowaad 20 askari oo booliis ah, ka dib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday goob ay roondo ka wadeen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this