Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Israa’iil oo Qaramada Midoobey ku qasbay in ay hakiyaan Gargaarkii Marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
dilal.png?resize=732%2C433&ssl=1

Ciidamada Israa’iil oo ku hubaysan taangiyada dagaalka ayaa Qaramada midoobey ku qasbay in ay hakiyaan howlihii gargaarka ee ay ka wadeen Deir el-Balah oo ku taal bartamaha Gaza.

Qaramada Midoobey ayaa xaqiijisay in lagu qasbay in ay hakiyaan howlihii gargaarka ee Gaza, ka dib markii ay ka soo guureen Rafah oo ciidamada Israa’iil ay duullaan dhulka ah ku qaadeen horaantii sanadka.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegay in saaka aroortii ciidamada Israa’iil oo weeraray Dier el-Balah iyo Khan Younis ay dileen ugu yaraan 14 qof, sida ay ku warameen wariyaasha ku sugan Marinka Qaza.

Agaasimaha Cisbitaalka Kamaal Adwan ee Beit Lahia ayaa sheegay in Isreal ay diidday shidaalka qaybta caafimaadka, ayna doorbideyso in gabi ahaanba la burburiyo.

Tirada dhimashada Falastiiniyiinta ayaa mareysa ugu yaraan 40,476 qof ,halka dhaawacana lagu sheegay 93,647 tan iyo dagaalkii bilowday 7-dii Oktobar ee sanadkii tagay.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Israa’iil oo Qaramada Midoobey ku qasbay in ay hakiyaan Gargaarkii Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this