General Duke Posted October 28, 2010 Hay’ada Horn Relief Oo Beenisay In La Iibiyey Qalabka Dekada Laasqoray October 28, 20100 comments| leave your own! Share Faaduma Jaamac Jibriil oo ah xirririyaha hay’adda Horn Relief ayaa maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Garoowe kasoo ay ka jawaabayso hadal uu dhawaan ka sheegay Gudoomiyaha gobolka Sanaag qayb kamid ah warbaahinta oo ku saabsan in Hay’ada Horn Relief ay iibisay qalab leedahay dekada Laasqoray. Waxaa ay sheegtay in hadalkaas uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn. ”…Waxaan beeninaaya in ay jirto in ay hay’ada gadatay qalab ay leedahay dekada Laasqoray oo uu Gudoomiyaha gobolka Sanaag sheegay, qalabka lagu sameyn lahaa dekada waxaa uu yaala dekada magaalada Bosaaso…”,ayay tiri. Faadumo ayaa sidoo kale sheegtay in qalabkaan hawshii lagu qaban lahaa dekada Laasqoray ay hor istaagtay kadib markii ay koox Burcadbadeed ah ay halkaasi la yimaadeen dad ay soo afduubteen. Dhanka kale waxaa ay sheegtay in qalabkaan ay hada kala hadashay maamulka hada jira, ayadoo intaasi ku dartay in aysan jirin cid tiri waanu la wareegaynaa qalabka hadii aysan jirin cid hay’ada kala wareegayso. Sidoo kale waxaa ay sheegtay in marka qalabka la gado ay ku bixi doonto dayn hay’ada lagu leeyahay, waxaa soo harayna ay dadka reer Laasqoray ay ugu shubi doonto (Account) si ay ugu samaystaan waxaa ay iyagu u baahan yihiin. Qalabkaan ayaa waxaa horay u keentay hay’ada Horn Relief, waxaana uu mudo labo sano ah yaala magaalada Bosaaso. Waxaana qalabkan horey loogu talo galay mashruuc ay waday Hay’ada Horn Relief oo ahayd dhismo dekkad yar oo ay yeelato degmada Laas Qoray ee gobalka Sanaag. Balse mashruucan ayaa noqday mid hirgeli waaya marxalado kala gedisan awgeed, ayadoo horey loogu qiyaasay dhismaha dekkadaasi lacag gaareysa malaayiin dollarka Maraykanka ah. Maxamed Saciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe-Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 28, 2010 Garoowe:(Allpuntland)-Xiriiriyaha Hay’adda Horn Releif Faadumo Jaamac Jibriil ayaa manta beenisay war kasoo baxaya Maamulka gobolka Sanaag ee dawlada Puntland kaas oo ahaa In ay Horn Relief iibisay qaarkamid ah Qalabkii Dekeda Laasqoray islamarkaasna loo maray qaab sharci daro ah. Marwo Faadumo Jaamac Jibriil oo maanta Shir Saxaafadeed ku qabatay Magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland ayaa sheegtey in ay Hay’ddu aysan weli si rasmi ah u iibinin Qalabka ay gacanta ku hayso,waxayse sheegtay in ay iibinayaan hadii ay helaan cid si rasmi ah ugala wareegta islamarkaasna ay iibintu u dhici doonto Qaab sharci ah oo lawada ogsoon doono. Xiriirayaha Horn Releif waxay sheegtay in ay doonayaan in qalabkan lagado sababo la xiriira qalabka oo ay sheegtey in imika hadii uu dhaafo uu noqon doono mid dayacma islamarkaasna uusan hadhow wax Manaaficaad ah yeelan doonin,waxaana ay sheegtay in lacagta kasoo baxda qeybo kamid ah lagu taageeri doono hor’umarka gobolka Sanaag. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 28, 2010 "Alaabta waan iibinaynaa, anaa iibinaya, hadana saasaan u imi, in aan doono wax iibsada; waa qalab qiima leh, inkasta oo uu waqti yiil xeebta" marwo Fatima J. Jibriil. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted October 29, 2010 Fatima Jibril is an honest noble lady. She took on many challenges and demanding projects including this and succeeded where a lot of men whould have failed. She was not so lucky this time to overcome the security, management and financial challenges of constructing a port would present. Mucho respect, and I applaud her for the courage and boldness she showed in trying to pull off this mega project. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 29, 2010 Ha’yadda Horn Relaef oo iska fogaysay edayn uga timid Maamulka Gobolka Sanaag Ha’yadda Horn Relaef ayaa iska fogaysay edayn uga timid Maamulka Gobolka Sanaag iyo iyo dadka deganka qaar ka mida, Faadumo Jabrill oo ka tirsan Saraakiisha ha’yada oo maanta shir Ja’id ku qabatay Magaalada Garowe ayaa sheegtay in hayadooda la been abuurtay oo laga sameeyay wax aysan u qalmin oo kadib markii la sheegay in ha’yadu ay waday mashaariic lagu dhisay Dekada Laasqoray taas oo ay hayadu waday in qalabkii loogu tala galay dhismaha ay Gadanayso, warkaasina uu yahay mid sumcada looga dilay oo ay sheegeen dad ujeedooyin kale leh oo kicinaya dadka, Fadumo jabriill waxaa kale oo ay ka sheegtay in hawshaan uu ku yimid hakad kadib markii ay la soo gudboonaadeen caqabado badan oo ay ka mid tahay taageero, isla markaasna mudo uu qalabku yaalay meel xeeba kuna baabayo ha’yaduna ay sheegtay in qalabka la gado si dhaqalaha ka soo baxa dadka wax loogu qabto, balse si kale loo fasirtay. Waxaana ay timaamtay in ay mudo baadi goobaysay cidii wax kala qaban lahayd ama kala wareegi lahayd hawshaan, haday noqon lahayd Maamulka iyo cidii kale oo ay qusayso, ha’yada Horn releaf waxaa ay mudo ka shaqaynaysay degaanada Sanaag halkaas oo ay la qaban jirtay hawlo badan oo la xirira dhanka mashaariicaha hormarineed C/naasir Yaasiin Salaad SBC International Garoowe Quote Share this post Link to post Share on other sites