Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo MA-GEFE ku tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240827_080647870.jpg?resize=819

Dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay MA-GEFE u aqoonsatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu xannibay dhammaan Mashaariicdii laga fulin lahaa degaannada Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi siiyay Radio Daljir ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u adeegsaday magaca MA-GEFE oo loo yaqaan shakhsiyaad qawleysato ah kuwaasi oo lacag madax-furasho ah ka qaata Tahriibayaasha.

“Xasan Sheekh Maxamuud waa MA-GEFE waxa uu isbaaro u dhigtay dhammaan Mashaariicdii horumarinta ee laga fulin lahaa Puntland waxaana uu rabaa in haddii aan isagu maamulayn uu sidaasi ku xannibo marka wa qof MA-GEFE ah oo isbaaro dhigtay” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu jebiyay dastuurkii iyo sharcigii lagu doortay ee dalka islamarkaana baabi’in ku wado nidaamka dowladnimada Soomaaliya taasina tahay mid aan gebi ahaanba la aqbali karin.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Warfaafinta Puntland oo MA-GEFE ku tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this