Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariyaal ku dhintay duqeyn uu Ruushku ka fuliyay dalka Ukraine.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ryan Evans, oo ahaa lataliye dhanka ammaanka ah oo ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay ka dib markii ay ciidamada Ruushku gantaal ku dhufteen huteel ku yaalla magaalada Kramatorsk ee bariga Ukraine, halkaas oo ay degganaayeen koox 6 ah oo ka tirsan wakaaladaha wararka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijisay geerida Evans, oo 38 jir ahaa, kaas oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada Ingiriiska, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wakaaladdu.

Warku waxay intaa ku darayaan in laba ka mid ah Wariyaasha oo ku dhaawacay weerarkaas, islamarkaana mid ka mid ah uu dhaawaciisu culus yahay lagu daweynayo Isbitaal, halka Saddexda xubnood ee kale ay badqaban.

“Waxaan si deg deg ah u raadineynaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan weerarka, anagoo la shaqeyn doonna maamulka gobolka Kramatorsk, waxaana taageereynaa asxaabteena iyo qoysaskooda,” ayaa lagu yiri war ay soo saartay wakaaladda Reuters.

Evans waxa uu wakaalada wararka ee Reuters la shaqaynayay tan iyo 2022, waxaana uu wariyayaasha Reuters kala talin jirey badbaadada iyo bedqabka inta lagu jiro war ka soo tebinta goobaha colaadaha sida Ukraine, Israel iyo Xamaas, iyo ciyaarihii Olombikada Paris.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this