Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu yaraan 10 oo ku dhintay dhul go’ ka dhacay dalka Itoobiya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dhul go’ ka dhacay waqooyiga gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaasi, waana masiibadii labaad ee aaggaas ku dhufatay wax ka yar 5 todobaad.

Warbaahinta Axmaarada ee AMC oo soo xiganaysa maamulaha deegaanka Tesfaye Workneh ayaa Sheegtay in 10 qof ay ku dhinteen dhul go’a, ayadoo 4 qof oo mayd ah laga soo saaray dhoobada qar dunka hoosteeda.

Siddeed qof ayaa ayaguna si xun ugu dhaawacmay musiibada, kuwaas oo lagu daweynayo isbitaallada sida ay sheegtay warbaahinta AMC oo soo xiganaysa masuuliyiinta deegaanka.

Sawirro goobta dhul go’a laga soo qaaday ayaa muujinaya dad sitay wax u muuqday meyd oo ka yimid dhinaca dhoobada, Waxaana dhul go’an oo ah kii labaad tan iyo dabayaaqada bishii July sababay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay dalka Itoobiya, waxaana Qaramada Midoobay ay ka digtay fatahaado iyo dhul go horleh oo dalkaas ka dhaca.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this