Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo si adag u beenisay Warbixin ay soo saartay hay’adda UNICEF

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1724571685787.jpg?resize=720%2C48

Dowladda Puntland ayaa si adag u beenisay warbixin ku saabsan da’da rag lagu toogtay Gaalkacyo ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan taageeridda Carruurta ee UNICEF.

Hay’adda UNICEF ayaa ku eedaysay dowladda Puntland in ay jebisey xeerarka ilaalinta carruurta, oo ay xukunno dil ah ku fulisay carruur aan gaarin oo da’doodu ka yar tahay 18 jir, islamarkaana u adeegsatay Maxkamad Ciidan, taasi oo hay’addu ku tilmaantay arrin qaldan.

Waxaase warbixintaasi beeniyay Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo jawaab kooban ka bixiyay eedaynta hay’adda UNICEF, waxaana uu caddeeyay in dhammaan shakhsiyaadka la toogtay ahaayeen rag qaan-gaar ah, oo aysan da’doodu ka yarayn 30 sanno.

“Dadweynaha waxaa loo xaqiijin karaa in midkoodna kuwa la toogtay aysan da’doodu ka yareyn 30 sano. Da’dooda iyo aqoonsigooda si taxadar leh ayaa loo xaqiijiyay, si loo hubiyo in ay qaangaar yihiin, waxayna si iskood ah u qirteen dambiyadooda” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Dilka toogashada ah ee Puntland fulisay ayaa yimi ka dib markii ay dhawaan xabsi ku yaalla Gaalkacyo ka baxsadeen rag eedaysanayaal oo loo haysto AS ah, taasi oo keentay in dil toogasho ah lagu fuliyo 10 xubnood oo kale.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo si adag u beenisay Warbixin ay soo saartay hay’adda UNICEF appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this