Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xarun Caafimaad oo loo Samaynayo Naafadii iyo Mujahidiintii SNM.

Recommended Posts

Xarun Caafimaad oo loo Samaynayo Naafadii iyo Mujahidiintii SNM.

 

 

Hargeysa(Qaran)-Ku-Simaha Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Iyo Shaqada Somaliland ahna Wasiirul dawlaha Wasaaradaas Axmed Cali Shire iyo Gudoomiyaha Jimciyada Mujaahidiinta Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed ,ayaa furay Qorshe lagu bilaabayo sidii xarun Caafimaad loogu samayn lahaa Naafadii Ururkii SNM.,kaas oo ay fulintiisa iska kaashanayaan Xukuumada iyo Ururka Waalidiinta Geeska Afrika [HAPA].

 

Xafladii loo sameeyay Hirgelinta qorshahaas oo maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee Sooyaal,waxa kale oo ka qeyb-galay xubno ka mid ah Saraakiishii Milatari ee SNM iyo Samsam Haybe oo ka socotay Haa’yada [Horn Africa Parents Association] ee HAPA.

 

Gudoomiyaha Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in Ha’ayada HAPA ay dawooyin Iyo Qalab caafimaad u keentay Sooyaal,si mujaahidiintii ku soo naafowday Halgankii dib u xoreynta dalka loogu sameeyo Qaliino iyo daaweynba.

 

Gudoomiyaha Sooyaal waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland ay balan qaaday inay bixiso kharashka dayactirka Xurunta dhexe ee Sooyaal,oo lagu kordhinayo waadhadh lagu daweeyo Naafada Xaruntaas ka diwaan-gashan.

 

Xasan Cabdi,waxa uu sheegay in qorshahan ay ka soo shaqeynayeen muddo dhawr sanadood ah,waxana uu amaanay in Ha’ayada HAPA oo xusay inay ka soo baxeen balanqaadkoodii la xidhiidhay inay keenista dawooyinka iyo Qalabkii Caafimaadka.

 

Gudoomiyaha Sooyaal isagoo la kaftamayay Wasiirul dawlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta oo Xafladaasi ku sugnaa,waxa uu yidhi “Dalkii waynu dhisnay ee dadkii lama dhisin, hore waxa aanu u arki jirnay wasiiro balamo kala duwan u qaadaya Sooyaal,hase yeeshee idinku waxa aad tihiin wejiyo cusub ee waanu eegi doonaa inaad halkii Wasiiradii hore martaan iyo in kale”.

 

Gudoomiyuha oo ka hadlayay baaxada ay leedahay naafada mujaahidiintii SNM waxa uu yidhi “Xukuumadu balamo hore oo ay Sooyaal u qaaday way jireen oo aan fulin,balse waxa aan u malaynayaa inuu yahay kii u dambeeyay,waxa aan dhawaan u gudbinay Wasaarada caafimaadka 440 Naafo ah si ay u baadho waxana la baadhay boqol Qof oo aan iyana waxba loo qaban wali”.

 

Wasiiruldawlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada Axmed Cali Shire oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadu ay ka shaqeynayso sidii mashruucan hirgeilntiisa gacan uga gaysan lahayd.

 

“Waa waajib ina wada saaran in aynu hoos u eegno oo aan la kala sheegan la iskuna riix-riixin wax u qabashada dadkii ku naafoobay dib u xoreyntii dalka,waxase wax qabadku ku xidhnaan doonaa hadba inta dhaqaalaheenu leeg yahay”ayuu yidhi Wasiirul dawlaha Caafimaadku.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Wasiirku xigeenka Wasaarada qorshaynta Axmed Xaashi Cabdi,Samsam Haybe,Mujaahidiin iyo Gudoomiyihii hore ee Sooyaal Xasan Guure axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this