Deeq A. Posted August 24 Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee dalka ayaa maanta fadhigii koowaad oo rasmi ah maanta ka yeelatay kiiska ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud, kaas oo ay horay dil ugu soo xukumeen maxkamadda darajada koowaad iyo tan racfaanka ee gobolka Banaadir. Fadhiga oo maanta uu guddoomiyay Baashe Yuusuf Axmed oo guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa ka qayb-galay xeer-ilaalinta qaranka, qareennada difaacaya Sayid-Cali, ehellada iyo warbaahinta. Ugu horreyn waxaa fursad la siiyay qareennada oo sharraxaad ka bixiyay sababaha ay mar kale usoo qaateen racfaanka, waxayna ku celiyeen dooddoodii hore ee ahayd in aanu si kas Luul Cabdicasiis u gubin seygeeda Sayid Cali oo isna goobjoog ahaa maxkamadda. “Marqaatiyaashii iyo Dhakhaatiirtii gacanta ku heysay Marxuumad Luul midna ma sheegin in uu Sayid Cali dilay xaaskiisa” ayuu ku dooday Abuukaate Cali Xalane. Sidoo kale waxaa jiray dood kulul oo dhex-martay Abuukaataha iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare, taas oo ku aadaneyd sababaha uu cuksanayo dooddiisa. “Lama yaqaano Luul waxay u dhimatay halkee ka keenteen ayadoo dhaqaatiirtu sheegeen iney u dhimatay gubasho? Ma Ciddii falka sameysay ayaa la la’yahay? ayuu yiri guddoomiye Baashe Dhankiisa Xeer ilaaliye ku xigeenka Yaxye Maxamuud oo Maxkamadda ka hor hadlay ayaa isna celiyay isla doodihii hore, wuxuuna sharraxaad ka bixiyay baarista ay sameeyeen muuqaalka guriga oo ay heleen, dadka ay wareysteen oo ay ku jiraan dhaqaatiirta. ”Waxaan maxkamada keenay markhaatiyaal nool nool oo cadeynaya in ay maqlayeen AUN marxuumad Luul oo leh walalow ha igubin miyaadan muslim ahayn oo ashahaadaneyso” Ugu dambeyn waxaa fadhiga soo xiray guddoomiye Baashe Yuusuf oo sheegay in fadhi kale la’isugu imaan doono, isla markaana ay doodda halkeeda kasii socon doonto “Maxkamadda maanta intaas ayaan kusoo xireynaa Insha allah, fadhi kale ayaa lasoo mudeyn doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo soo xiray fadhigga. The post Maxkamadda Sare iyo waxyaabaha ka cusub kiiska Sayid-Cali appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites