Sign in to follow this  
Deeq A.

Markabka MV Sounion ee Xuutiyiintu weerareen oo lagu guulaystay soo badbaadintiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
hq720.jpg?resize=686%2C386&ssl=1

Markab laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa ku guulaystay soo badbaadinta Markab lagu magcaabo MV Sounion, kaasi Arbacadii gantaal lagula eegtay Galbeedka Badda magaalada Xudayd ee dalka Yemen.

Markabkaasi oo uu ka babanayey calanka dalka Giriiggu ayaa loo sameeyey gurmad uu u fidiyey Markab laga lee yahay dalka Faransiiska, kaas oo ku guulaystay in Markabka gantaalku ku dhacay u soo jiido dekedda magaalada Jabuuti.

MV Sounion ayaa siday shixnad shidaala oo dhan 150, 000 oo Saliid ceeriin ah ayaa laga cabsi qabay in uu Saliidda ku daadiyo xeebaha Badda cas, taasina ay keento dhibaato saamaysa dhammaanba xeebaha Mandiqadda Geeska Afrika iyo gacanka Carbeed.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in uu Markabku haatan si nabad ku joogo dalka Jabuuti isla markaana ay nabad qabaan 29 kii shaqaalaha ahaa ee saarnaa, kuwaas oo haysta dhalasha kala duwan.

Xuutiyiinta Yaman ayaa sii kordhiyey weerarada ay ku hayaan Maraakiibta shisheeye ee maraya xeebaha Badda cas, gaar ahaanna kuwa ka gudba gacanka muhiimka ah ee Baabuul Mandab.

PUNTLAND POST

The post Markabka MV Sounion ee Xuutiyiintu weerareen oo lagu guulaystay soo badbaadintiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this