Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Praying salaada ciidda: 4.5

Recommended Posts

Or should it be called 3.0, a new formula waaye camal amee tahay. I guess meesha qabiil qabiil loo kala tukanoyaa, xildhibaano ku sheegaas kii madaxda qabiilkooda u ahaa wada raaceen ama $$ u taabtay kistoo.

________________

 

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo iyagoo Baydhabo ku wada sugan seddex meelood ku kala tukaday Salaaddii Ciidda

 

Seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaaraha Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta waxay Salaaddii Ciidda ku kala tukadeen seddex goobood, iyagoo weliba ku wada sugan Magaalada Baydhabo.

 

Madaxweynaha iyo xubno Xildhibaanno ah ayaa waxay Salaaddii Ciidda ku tukadeen Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanno la joogayna waxay ku tukadeen guriga Guddoomiyaha, halka Ra’iisal Wasaaraha iyo Xildhibaanno la joogayna ay Salaaddii Ciidda ku tukadeen Hotelka Bakiin ee uu Ra’iisal Wasaaraha degan yahay.

 

Seddexda meelood ee ay ku kala tukadeen madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa laga dheehan karaa khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, marka laga soo tago in uusan hagaagsaneyn ammaanka guud ee magaalada Baydhabo.

 

Khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu curyaan ka dhigay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo haatan awooddeeda ay ku soo koobantay qeybo ka mid ah Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo weliba qudhooda ay Ciidamo Shisheeye ku ilaalinayaan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa la filayaa in qaab sharci ah loo maro xalkiisa kadib marka uu maalmaha soo socda shir isugu yimaado Baarlamaanka Soomaaliya oo xubnahiisana la ogyahay in ay la kala safan yihiin labadaas mas’uul.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

They actually prayed? icon_razz.gif

 

After much talk of Col. Yey and Col. Nur Cadde, I think these Eid "prayers" were a perfect opportunity for Sh. Aadan Madoobe to flex his muscles. smile.gif

 

In the mean time...

"Afhayeenka urur diimeedka Al Shabaab Sh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta dadweyne fara badan kala qeybgalayay tukashada salada ciidul Axaa gudaha magaalada Marka ayaa ka hadlay arimo fara badan." >>

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Hehehe 4.5 has evolved even into matters of god.

4.5 wives from now on is called for every muslim who can bear the financial burden. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

4.5 wives from now on is called for every muslim who can bear the financial burden.

Afar minweyn iyo nus minyaro ah miyaa? :D

 

But salaadaan la tukaday laba qolo {1.5 according to the flawed formula] ka maqan, ee taloow intee ku tukadeen? Probably those groups in Nayroobi iyo Jabuuti ahaayeen. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this