Sign in to follow this  
Deeq A.

Ingiriiska oo war kasoo saaray tahriibayaasha doomaha yaryar ku gala dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Raysal wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, ayaa sheegay in uu qorsheynayo tillaabooyin adag oo wax looga qabanayo dadka wax tahriibiya iyo sidii lagu dhimi lahaa tirada dadka ka gudbaya kanaalka.

Qorshe ay xukuumaddii hore ee Conservative-ka ku doonaysay in dadka muhaajiriinta ah loogu masaafuriyo Rwanda, ayay meesha ka saareen xisbiga hadda talada haya ee Labour-ka.

Immisa qof ayaa ka gudba kanaalka iyagoo raacaya doomo yaryar?
Laga bilaabo 19-kii bishaan Agoosto ee sii dhamaaneysa 2024, waxaa kanaalka ka gudbay 19,294 qof. Taas oo ah tiro ka badan sanadkii ka horeeyay bishaan oo kale, inkasta oo guud ahaan sanadkii 2023 ay Ingiriiska galeen dad gaaraya 29,437 qof kuwaas oo isticmaalayay doomo yar yar, balse waxaa ka sii badnaa sanadkii 2022 oo ay dad aad u badan ka gudbeen kanaalka.

Xiligaas waxaa gudbay dad tiradooda lagu sheegay 45,755 qof, waana tiradii ugu badneyd ee dalkaas gasha tan iyo 2018, xilligaas oo la sameeyay tirakoobka muhaajiriinta.

Guud ahaan tirada muhaajiriinta ah ee Ingiriiska gashay tan iyo xiligaas waxa ay ahaayeen in ka badan 130,000, kuwaas oo dalal kala duwan ka yimid.

Yaa u badan dadka doomaha yaryar ku gala Ingiriiska?

Sanadkaan sii dhamaanaya dadka u dhashay Afgaanistaan, ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ka gudbay kanaalka, waxa ayna ku dhawaan shan jeer ku jibaarmaan dhamaan dadka kale ee doomaha yaryar ku soo gudbay.

Iiraaniyiinta ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen (12%) halka muwaadiniinta Turkiga lagu sheegay (11%) waana labada jinsiyadood ee ugu soo xiga Afgaanistaan, dadka doomaha yaryar ku tagay Ingiriiska.

Tan iyo bilowgii sanadkaan tirada doomaha yaryar ee ka gudbay kanaalka ayaa lagu qiyaasay 85%, waxa ayna ahaayeen rag, kuwaas oo inta badan da’da laga diiwaan galiyay ay u dhaxeysay 25 ilaa 39 jir.

Ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa muhaajiriinta ku dhintay kanaalka Ingiriiska ku qiyaasay 184 qof, intii u dhaxeysay sanadihii 2018 ilaa dhamaadka bishii la soo dhaafay ee July 2024.

Tirada dadka magangelyo doonka ah ee UK

Saddaxdii bilood ee ugu horeysay sanadkaan waxaa magangalyo ka raadsaday Ingiriiska 19,395 qof, halka sanadkii ka horeeyay ee 2023 dadku ay ka badnaayeen 84,000 oo qof.

Sanadkii 2022, wax ka yar 100,000 oo qof ayaa codsaday magangalyo, iyadoona doomaha yaryar ee xiligaas yimid ay ahaayeen ilaa 45%.

Tirada sanadlaha ah ee codsadayaasha magangalyada, oo ay ku jiraan kuwa dadkoodu u dacwoodeen ayaa gaartay 103,000 sanadkii 2002, xiligaas oo dadku ay ka soo cararayeen iskahorimaadyadii ka jiray dalalka Afgaanistaan, Soomaaliya iyo Ciraaq.

Tiradii xiligaas ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac iyadoona mar kale muhaajiriintu ay dib u bilaabeen safaradoodii doomaha yaryar sanadkii 2010, xiligaas oo dadka ugu badan ay ka soo qaxeen Suuriya.

.
Qoraalka sawirka,Dadka magangalyo doonka ah

Dalalka magangalyo doonka ugu badan ay ka yimaadeen

Dalka Afgaanistaan ayaa labadii sano ee u danbeysay ahaa dalka ugu badan ee magangalyo doonka Ingiriiska galay, waxaana sanadkasta lagu qiyaasaa in 9,307 qof ay ka gudbaan kanaalka.

Dalka ku xiga waa Iran kaas oo dadka magangalyo doonka ah lagu sheegay 7,400, sidoo kale waxaa tiradaan ka agdhaw dalalka Pakistan, India, iyo Bangladesh.

Balse sanadkii 2022, Albaaniyaanka ayaa ahaa jinsiyaddii ugu badneyn ee gasha UK, waxaana lagu sheegay xiligaas 17,300 oo qof oo ay ku jiraan dadka loo dacwooday, inkastoo saddex meelood meel ay ku yimaadeen doomo yaryar.

Wixii ka horeeyay 6-dii bishaan Agoosto ee sanadkaan 2024, waxaa fiisooyin la siiyay 261,600 oo qof kuwaas oo u dhashay dalka Ukrain, waana kuwo ku yimid dariiqo sax ah, wallow aanan lagu darin kuwa tahriibka ah.

Waxaa kale oo jirta qaabab kala duwan oo dadka qaar ay ku yimaadaan Ingiriiska, oo ay kamid yihiin qaxootiga Afgaanistaan iyo muwaadiniinta Hong Kong.

Kiisaska magangalyo ee sugaya in laga shaqeeyo

Dadka qaar ayaa suga in la tixgaliyo sheegashooyinkooda bilo ama sanado.

Dib u dhac ku yimid nidaamka dowladda Ingiriiska ayaa sababay in ay dib u dhacdo aqbalaadda sheegashooyinka dad kor u dhaafaya 128,000 qof.

.

Raysal wasaarihii hore ee UK, Rishi Sunak, ayaa markii uu xafiiska joogay balan qaaday in uu joojinayo sheegashooyinka dadka qaar ee dhanka da’da ah, sanadkii 2023, balse 4,500 oo qof ayay kiisaskoodu adkaadeen kuwaas oo sugaya go’aanka natiijada dhamaadka sanadkaan.

Tirakoobka rasmiga ah ayaa muujinaya in 14-kii Abriil ee sanadkaan, dad gaaraya 2,377 qof oo ka mid ah magangalyodoonka ay weli sugayeen go’aankii hore.

Dowladda Ingiriiska tiro intee la eg oo magangalyo doon ah ayay dib u celisay?

Xafiiska qaabilsan arimaha soogalootiga ayaa dalka ka saari kara dadka aan sharci ahaan xaq u lahayn inay sii joogaan UK, sidoo kale waa ay diidi karaan soo galootiga.

Sanadkii 2023, 6,014 qof oo aan magangalyo ka siin ayaa dib loogu celiyay dalalkooda, waana tiro ka badan dadkii la celiyay sanadkii 2022, waxa ayna ahaayeen 2,931, dadkaas ayaana u badnaa kuwo ka soo jeeda Albania.

Intii u dhaxeysay sanadihii 2018 ilaa 2023, xiliyo kala duwan ayaa dad magangalyo doon ah la celiyay.

Dhanka kale bishii Diseembar 2023, xafiiska arimaha soogalootiga ayaa shaaca ka qaaday in 408 qof oo ku yimid doomo yaryar ay dib u celiyeen.

Isbarbar dhigga doomaha yaryar ee taga UK iyo kuwa taga Yurub

Sanadkii 2023, muhaajiriinta Yurub tagay waxa ay ahaayeen 263,048 qof, iyadoona Talyaaniga ay galeen 60% oo u dhiganta 157,314 qof.

Dalka Spain waxaa galay dad gaaraya 57,071 qof, halka Giriiga ay galeen 41,561 qof.

La bilaabo 12-kii bishaan Agoosto, in ka badan 91,500 qof, ayaa galay dalalka Yurub waxa ayna isticmaaleen doomo yaryar.

Sanadkii 2015 ayaa ahaa xilligii ugu badnaa oo muhaajiriin ay galaan dalalka Yurub, waxaana lagu qiyaasay dadka tahriibayay hal milyan oo qof, dadkaas inta ugu badan ayaa ka soo cararay colaado dalal ay ka mid yihiin Suuriya.

.
Qoraalka sawirka,Sanadkii 2023, muhaajiriinta Yurub tagay waxa ay ahaayeen 263,048 qof

Tiro intee la eg ayaa magangalyo ka codsaday dalalka Yurub?

Sanadkii 2023, dalka Ingiriiska ayaa kaalinta shanaad uga jiray dalalka ugu badan ee laga codsaday magangalyada, waxaana muhaajiriintii xiligaas ay gaarayeen 329,035 qof.

Jarmarka ayaa kamid ahaa dalalkii helay codsiyadii ugu badnaa ee uga yimaada muhaajiriinta.

Dalka Spain ayaa kaalinta labaad ee ugu sareysa ku jiray xilligaas waxaana iska dhiibay dad gaarayay 160,460 qof, waxaana ku soo xigay Faransiiska oo ay galeen 145,095 qof, halka Talyaaniga ah qaabileen dad magangalyo doon ah oo gaarayay 130,565 qof.

Sanadkii 2023, dowladda Ingiriiska ayaa qaadatay go’aan ay ku qaabileyso codsiyada dad ay tiradoodu gaareysay 93,303 qof, kuwaas oo qaarkood ka koobnaa qoysas ay carruurtooda la socdeen, waxa ayna xilligaas magangalyada siisay saddex meelood laba meel oo u dhigantay 67%.

Isla xilligaas dalka Jarmalka ayaa qaabilay muhaajiriin gaaraya 217,430 qof, oo u dhiganta 62%.

Faransiiska ayaa isna qaatay qaxooti gaaraya 132,695 qof, oo u dhiganta 31% tirada dadkii gaaray.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this