Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta oo booqashadii u horreysay ku tagaya dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta , Sheekh Mohammed Bin Zayed Al Nahyan ayaa booqashadii u horreysay oo rasmi ku tagaya dalka Kenya , taa oo ka dhigaysa hoggaamiyihii u horreeyay ee Abu Dhabi oo 40 sanno kaddib booqanaya Nairobi, iyadoo la sheegay inta uu ku suganyahay Kenya in la saxiixi doono heshiiskii ugu sarreeyay ee taariikhda ay labada dal kala saxiixanayaan oo la xidhiidha dhaqaalaha.

Guddiyo labada dal ah ayaa isku arkay Nairobi iyo Abu Dhabi , kuwaaso hadda soo gabagabeeyay heshiisyada ay kala saxiixanayaan Kenya iyo Imaaraadka Carabta. Xidhiidhka Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa si weyn sare ugu kacay tan iyo markii Madaxweyne Ruto uu xilka kala wareegay Uhuru Kenyatta September 2022.

Heshiiskan dhaqaale iyo iskaashiga labada dal ayaa lugu sheegay inuu Kenya dhaxalsiinayo malaayiin doollar oo maalgelin iyo horumarin ay ka helayso Imaaraadka Carabta.

Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Kenya iyo Imaaraadka waxa uu soo bilowday sannadkii 1982-kii markii ay Kenya safaaradeeda ka furatay Imaaraadka Carabta, halka Imaaraadka uu safaaraddii u horreysay ka furtay Nairobi sannadkii 2012-kii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this