Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda DP World oo hoos u dhac balaadhani ka soo gaadhay colaada bada cas

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in hoos u dhac weyn uu ku yimid faa’iidooyinkii ay heli jirtay sañadka badhkii , taasoo ka dhalatay khalkhal ku yimid badda cas oo ay sababeen colaadda u dhexeysa Xuutiyiinta Yemen iyo Israa’iil.

Hoos u dhacan ayaa la filayaa inuu shirkaddu u horseedo inay hoos u dhigto maal-gashigii ay ku lahayd gobolka Bariga Afrika.

Faa’iidada DP World ayaa aad hoos ugu dhacday sanadkan $265 milyan, taasoo ku dhow 60 boqolkiiba hoos uga dhacday 651 milyan oo dollar oo la diiwaan geliyay isla muddadaas sannadkii hore.

Guddoomiyaha iyo maamulaha guud ee shirkadda Sultan Ahmed bin Sulayem, ayaa hoos u dhaca u sababeeyay xaaladda juqraafiyeed ee sii xumaanaysa iyo khalkhal ku yimi silsiladda saadka ee badda cas.

“Sanadka 2024-ka waxaa lagu asteeyay jawi siyaasadeed oo sii xumaanaya iyo khalkhal ku yimid silsiladaha sahayda caalamiga ah taas oo ay ugu wacan tahay dhibaatada badda cas,” ayay shirkaddu ku tiri hadal ay soo saartay.

DP World ayaa si weyn u maalgelisay gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan Dekedda Berbera ee Somaliland.

Shirkadda ayaa sidoo kale indhaha ku haysay Dekedda Mombasa ee dalka Kenya, iyadoo dalku uu sahaminayo hindiseyaal gaar loo leeyahay oo lagu dhisayo goobo badan oo ku yaalla dekedaha Mombasa iyo Lamu.

Sannadkii hore, maamulka dekedaha Kenya (KPA) ayaa ku martiqaaday daneeyayaasha suurtagalka ah si ay u muujiyaan xiisaha ay u qabaan kiraynta kaabayaasha dekedda iyada oo loo marayo iskaashiga dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Iskahorimaadka socda ayaa la arkay fallaagada Xuutiyiinta, tan iyo bishii Nofembar, oo beegsanaya maraakiibta mara marinka Badda Cas, oo ah marin biyood muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.

Weeraradan ayaa hakad galiyay isu socodkii badeecadaha lagu qiyaasay 1 trillion oo dollar sanadkii waxayna sababeen qaar ka mid ah howlgaladii ugu xooganaa ee ay ku lug lahaayeen ciidamada badda Mareykanka tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka.

Si kastaba ha ahaatee, culayska dhaqaale ee ka imanaya carqaladaynta Badda Cas ayaa laga yaabaa inay ku qasbi karto DP World inay dib u eegto ama dib u dhigto qorshaheeda balaadhinta ee Bariga Afrika.

Horumarkani waxa uu saamayn balaadhan ku yeelan karaa ganacsiga mandaqada iyo kobaca dhaqaalaha,maadaama maalgashiga DP World loo arkay in uu fure u yahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo casriyaynta deegaanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this