Jacaylbaro Posted July 15, 2009 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta soo saaray Afar Digreeto Madaxweyne oo isugu jira Xil ka qaadis iyo Magacaabis. Digreetooyinkaasi Madaxweyne ee isugu jira Magacaabis iyo xil ka qaadis waxa ay kala yihiin sidan:- 1. Madaxweynuhu waxa uu xilkii Wasiirnimo ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga Mudane, Cismaan Qaasim Qodax, isla markaana waxa uu Wasaaradda Ganacsiga u Magacaabay Madaxweynuhu Mudane, Abiib Xasan Fil-fil in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga. 2. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xilkii Wasiirnimo ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Madaxtooyada JSL Mudane, Nuur Aamin Ismaaciil, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu faray in uu si ku meel gaadh ah xilka ugu wareejiyo Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Xasan Axmed Ducaale inta cid loo soo magacaabayo. 3. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu u Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Mudane, Xuseen Caynaan Faarax oo uu ka geeriyooday Ilaahay ha u Naxariistee Marxuum Cabdi Xasan Buuni. Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu masuuliyiintaasi xilka loo magacaabay faray in ay sida ugu dhakhsaha badan xilka ula kala wareegaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted July 15, 2009 wooooow he has overwhelming power for a president. Quote Share this post Link to post Share on other sites