Sign in to follow this  
BiLaaL

Xubnaha la baxay Baarlamanka xorta ah oo kulamo ka wada gobolada Jubbooyinka

Recommended Posts

BiLaaL   

Mogadishu 16, August 07 ( Sh.M.Network) Qaar ka mid ah xubnaha la baxay baarlamanka xorta ah ayaa kulamo siyaasadeed ka wada qeybo ka mid ah gobolada Jubbooyinka ee Koonfurta Somalia.

 

C/qaadir Dhaqane oo ka mid ah xubnaha la baxay Baarlamanka xorta ah ee fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee dalka Eritrea horeyna u ahaa wasiiru dowlaha xafiiska Ra'isulwasaaraha ayaa waxa uu sheegay in gobolada Jubbooyinka uu ka wada wada hadalo uu la leeyahay dadka degan deegaanadaasi si ay u taageeraan dadaalada ay wadaan xubnaha la baxay baarlamanka xorta ah.

 

Waxa uu sheegay in ay qaban qaabinayaan kulan ka dhacaya magaalada Asmara oo lagu doonayo in lagu dhiso dowlad Somaliyeed.

 

C/qaadir Dhaqane ayaa waxa uu ugu baaqay dhamaan odayaasha iyo waxgaradka gobolada Jubbooyinka in ay taageeraan dadaalada ay wadaan xubnaha Baarlamanka xorta ah iyo midowga Maxkamadaha ee ku sugan magaalada Asmara.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Xubnaha La Baxay Barlamaanka Xorta oo Sheegay In ay Ciidamo Iyaga Taabacsan La Wareegayaan Jubooyinka

 

Mogadisho, Khamiis , August 16 2007 SMC

 

C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo ka mid ah xubnaha la baxay Barlamanka Xorta ee haatan fadhigoodu yahay Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea ayaa sheegay inuu G/Jubooyinka ka wado dadaal uu ciidamo taagersan Barlamaanka xota kula wareegi lahaayeen deegaanada Jubooyinka

 

Isagoo xalay wareysi gaar ah siinayey Idaacadda Somaliweyn ayaa C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane waxa uu sheegay in ujeedada uu u yimid Degmada Bu’aale ee xarunta Gobalka J/dhexe ay tahay sidii uu qabaa’ilkiisa uga dhaadhicin lahaa afkaarta Barlamaanka xorta.

 

Dhaqane oo horey uga tirsanaa xafiiska R/wasaare Geedi ka hor intii aan xilka laga qaadin isaga iyo xildhinaada kale ee ku sugan Asmara ayaa sheegay inuu ku howlan yahay sidii Dadka Deeganada Jubooyinka looga qeybgelin lahaa Shirweynaha 1-Septembar ka furmaya Asmara.

 

“Dhammaan xubnaha Baarlamanka xorta ah ee ku sugan Asmara dalka gudihiis ayey dib ugusoo laabanayaan, gaar ahaan Gobalada Jubooyinka, Hiiraan, Bay iyo Bakool” ayuu yiri C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo haatan ku sugan gudaha degmada Bu’aale.

 

Dhaqane ayaa ku hanjabay inaanu jirin cid xoog uga saari karaysa Jubooyinka, islamarkaana ay awood ciidan ku joogaan xilligan.

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Degmada Bu’aale ee G/J/Dhexe ayaa usheegay Idaacadda Somaliweyn in muddo gaaban ay u qabteen xubnaha Baarlamanka xorta ah ee soo gaaray markii ugu horeysay gudaha dalka tan iyo intii xilalka laga xayuubiyey.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

They're attempting to function as an opposition within the country. Yey won't be able to use the 'terrorist' card against these former parliamentarians as he might against other groups. From that perspective, i think this is a wise move from this coalition. Although lacking legitimacy, the occupation and its agents are nonetheless solidifying their positions. The logic behind this move, if it succeeds, will go some way in addressing the drastic publicity imbalance which currently exists between the occupiers and the resistance.

 

Soon, the occupation may find itself battling on two fronts - on the one hand, an opposition to monitor and criticise its every initiative and, on the other hand - a resistance to challenge it militarily and ensure it never rests as long as it remains on Somali soil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yaala socdo Dhaqane? I've heard three other xildhibaano la socdo.

 

Maalin ayaa loo abaalgudi doonaa xildhibaanadda Baarlamaanka Xorta ah who voluntarily chose to serve in the interests of their country and people. They had an other choice: To serve Xabashi interests and be silent while getting a few dollars as a bribe.

 

I don't remember all of their names, laakiin waxee u mudanyihiin magacyadooda in lasoo taxo, iyagoo intaa ka xasuusto ah: Saleebaan Colaad Rooble, Max'uud Cabdillaahi Sifir, Max'ed Cabdi Yuusuf, Cumar Xaashi Aaden, C/raxmaan Aaden Ibbi, Yuusuf Xasan Dheeg, Cali Baashi Rooraaye, Jaamac Cali Jaamac, C/qaadir Dhaqane, Shariif Saalax Max'ed, Shariif Xasan Sh. Aaden, Sakariye Max'uud Xaaji, Caasha Xaaji Cilmi, Max'ed Cabdi Daryeel and Fowsiya Max'ed Sheekh, to recite a few of them, mar markee ahaataba ayaa loo abaalmarin doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

^Masheegi kari inta lasocoto laakiin wararka qaar waxeey sheegayaan in ilaa afar xubnood ay soo gaareen Goballada Jubbooyinka. Si kastaba, Dhaqane waxuu Hiiraan Online u sheegay sida tan:

 

“Xubin kasta oo ka tirsan Baarlamaanka Xorta ah dib ayay ugu soo noqoneysaa dalka, waxayna bilaabeysaa qorshe howleedyadeeda ku aadan sidii sare loogu qaadi lahaa wacyiga dadka, mar dhow waxaad maqli doontaan Xubnaha Baarlamaanka xorta ah oo ku laabtay Baydhabo, Bakool, Beledweyne iyo Deegaano kale oo ka tirsan Dalka Soomaaliya”ayuu yiri C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo mar ahaa Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane waxaa uu sheegay in marka Xubnahaas ay dalka dib ugu soo noqdaan ay bilaabi doonaan barnaamijyo wacyigelin ah oo ay dadkooda uga dhaadhicinayaan in ay taageeraan qorshayaasha ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Waa runtaa oo Xildhibaanadda Baarlamaanka Xorta ah abaalmarintooda maalin beey bini'aadanka ka heli doonaan. Laakiin abaalmarinta ugu weyn waxeey taalaa Ilaahay agtiis. Ilaahayna waxaan ugaga baryayaa inuu Janatul Firdoos kawaraabiyo kuligood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this