Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Waraaqaha Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1724237959043.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada, Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha usoo magacowgay Soomaaliya Mudane Wang Yu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah Waraaqaha Safiirnimo uga guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda Shiinaha u fadhin doona Muqdisho Mr. Wang Yu sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Safiirka cusub sida diirran ee uu u soo bandhigay doonista uu u qabo in uu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay ahmiyad ay leedahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Safiirka cusub ee Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran, waxa uuna soo gaarsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa mudane Xi Jinping.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Waraaqaha Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Shiinaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this